Home Dhacdooyin Nin keli-duul ahaa oo weerar saf-mar ah ka gaystay gudaha Israel

Nin keli-duul ahaa oo weerar saf-mar ah ka gaystay gudaha Israel

by Laacib

Nin dhallinyaro oo toorey ku hubeysnaa ayaa maanta goobo kala duwan oo magaalada waqooyiga Israel ku taala ee Hadera ku dhaawacay lix qof oo Israeliyiin ah.

Ninkan ayaa la sheegay in uu afar goobood oo kala duwan ku dhaawacay dadkaasi, isagoo adeegsanaya mooto.

Xubno ka mid ah dadka deegaanka ee la hubeeyay ayaa markii dambe toogtay ninkaasi, ka hor inta aysan goobta soo gaarin Ciidamada Booliska, sida ay sheegeen hay’adaha ammaanka.

Booliska ayaa war ay soo saareen ku sheegay inaysan jirin cid kale oo ninkaasi ku wehlineysay weerarka soo jiidashada leh, isla-markaana uu ku keli ahaa.

Ninkan ayaa loo aqoonsaday inuu yahay Carab Israeli oo degan deegaanka Umm Al-Fahm, waana 36 jir.

Booliska ma sheegin magaca ninkaasi, balse Warbaahinta Israel qaybteed ayaa tebisay in lagu magacaabo Ahmed Jabarin.

Madaxa Adeegga Gurmadka Degdegga ee Magen David Adom, Eli Bin ayaa sheegay in shan ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato, labana ay ugu daran tahay.

Taliyaha Booliska Israel, Daniel Levy oo booqday magaaladaasi ayaa sheegay in ciidamada amnigu aysan hadda awoodin inay ka hortaggaan, waxa uu ku sheegay weerarada argagixisada, isagoo dadka deegaanka ee hubeysan ugu baaqay inay gacan ka gaystaan sugidda nabadgelyada.

“Waxaan rabaa inaan idiin sheego, sida aad la socotaan Booliska Israel waxay maalmahaan ku fidsan yihiin deegaanada xadka. Waxay u muuqataa in tani ay tahay waxa aan wajihi doono muddadan, waxaana u baahanahay inaan xoog yeelano.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Duqa Magaalada Hadera, Nir Ben Haim oo isna hadlayay ayaa dadka deegaanka ku bogaadiyay garab istaagooda laamaha amniga.

Weerarku waxa uu imanaya, iyadoo ay kordhayaan weerarada ay la kulmayaan shacabka Israel, xilligan oo xaaladda gobolka ay aad u kacsan tahay.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc