Dad shacab ah ayaa caawa xaafadda Warshadda Taraqa & Sigaarka ee Degmada Hodan ku qabtay nin dhallinyaro ah, xilli sida la sheegay uu watay bambada nooca gacanta laga tuuro.
Niman dhallinyaro oo ka mid ah dhallinta xaafadda ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi, iyagoona markii dambe ku wareejiyay ciidamada ammaanka.
Wararka ayaa sheegaya in shacabku ay ku kadsoomeen, isaga oo doonayay in uu bambada ku tuuro bar kontorool oo ciidamadu ay halkaasi ku leeyihiin, taasna ay keentay inay eryadaan, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigaan.
Dadka deegaanka ayaa la sheegay in wa-xoogaa ay jirdileen ninkaasi, ka hor inta aysan garbo duub u xirin, kuna wareejin ciidamada.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegaya in ciidamadu oo goobta soo gaaray ay horey u wateen ninkaasi iyo bambadii lala soo qabtay.
Ma cadda in uu ka tirsan yahay maleeshiyada Al Shabaab iyo in kale, iyadoo laamaha amniguna aysan wax war ah ka soo saarin, illaa iyo hadda.
Dadka deegaanka ayaa ku eedeynaya in uu ku howlanaa qalqalgelin amni iyo in uu ka tirsan yahay maleeshiyadaasi.
Habeenkii Arbacada, dadka reer Dayniile ayaa gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ahaa, kaas oo ay sheegeen inuu bambo ku tuuri rabay agagaarka Jaamacadda Gaheyr.
Dhacdooyinkan ayaa imanaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay qaybo ka mid ah dalka kula dagaalamayaan Al Shabaab.
In dadku ku dhiiradaan inay ka hortaggaan Shabaabkii muddada dheer, waxa ay sameynayaan indhaha uun laga daawan jiray ayaa calaamad u ah in baraarug shacab uu jiro.