Ninkan ayaa la sheegay in uu saaxiibkii ku dilay qol ay muddo ka deganaayeen guri ku yaala Waaxda Xalane ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Inkastoo eedeysanaha uu ka dhashay qoyska gurigaasi iska leh ayaa la sheegay in dilka saaxiibkii uu u adeegsaday faas/masaar.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Fahad Warsame ayaa wejiga iyo madaxa faaska kaga dhuftay saaxiibkii, oo lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cabdullaahi Salaad.
Ciidamada amniga oo maanta tegay guriga uu falku ka dhacay ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha, kaas oo hadda lagu hayo xarumaha hay’adaha ammaanka ku leeyihiin Caasimadda Muqdisho.
Dhawaan, Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku soo dhigay nin gabar dumaashidiis ahayd ku gubay Degmada Yaaqshiid, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho). Haweeneydan ayaa la sheegaya in xaaladdeeda ay ka soo reynayso.
Waxaa ka sii horreysay haweeney saygeeda 16-kii bishan ku gubtay hoygooda oo ku yaala xaafadda Tookiyo ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo haweeneydaasina la soo xiray. Ninkan ayaa hadda xaaladdiisa lagu la tacaalaya goobaha caafimaadka ee magaalada.
Muqdisho ayaa waxaa toddobaadyadii ugu dambeysay ku soo badanayay dilalka ay isu gaysanayaan xubnaha qoyska iyo dadka ehelka ah.
Kororka dhacdooyinka naxdinta leh ee ka dhacaya magaalada ayaa la kowsaday ninkii xaaskiisii 26-kii bishii January ku gubay gurigii ay ka deganaayeen Waaxda Labaad ee Degmada Dharkiinley. Luul Cabdicasiis Maxamed ayaana 2-dii bishan u geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray dabkaasi.
Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay ayaa waxaa tusbax go’ay oo kale noqday dilalka ka dhacaya caasimadda ee ay isu gaysanayaan qoysaska iyo dadka kale ee isaga dhow bulshada qaybaheeda.