Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa galabta sheegtay in maanta duqaymo lagu dilay xubno badan oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.
Hay’adda NISA ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in 48 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo saraakiil ka tirsan Al Shabaab lagu dilay duqaymahan oo ka dhacay deegaanada Daaru-nimca, Alkowsar iyo Beera-yabaal oo ka tirsan Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Warka ayaa lagu sheegay in duqaynta Daaru-nimca lagu dilay 17 xubnood, iyadoo duqaynta Alkowsar lagu dilay 19 xubnood, halka 12 kalena lagu dilay duqaynta Beera-yabaal.
NISA ayaa warka ku sheegtay in duqaymaha ay iska kaashadeen xoogageeda iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka.
“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabad Sugidda Qaranka iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo iskaashanaya ayaa sii wadi doona hawlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada.” Ayaa lagu yiri warka NISA.
Deegaanada Hirshabelle ayaa waxaa ka soconaya olole xoog leh oo ka dhan ah Al Shabaab. Ololahan militari ayaa lagu xoreynaya dhulka ay Shabaabku ka maamulaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Shabaabka ayaa dareemaya in culeys uu ka soo fuulay hawlgalka ka socdo labada gobol ee Hirshabelle.
Shabaabka ayaa deegaanada qaar ee goboladaasi ka gaysanaya weeraro u muuqdo kuwo ay ku carqaladeynayaan hawlgalka.