Home Wararka Caalamka Pakistan oo sheegtay in hawlgalka Israel ee Jenin uu khatar ku yahay xabad joojinta Gaza

Pakistan oo sheegtay in hawlgalka Israel ee Jenin uu khatar ku yahay xabad joojinta Gaza

by Laacib

Dowladda Pakistan ayaa waxay cambaareysay hawlgalka ballaaran ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Shafqat Ali Khan ayaa sheegay in Xukuumadda Islamabad ay ka xun tahay weerarka cusub ee ay Israel ka bilowday Magaalada Jenin.

Afhayeenka ayaa sheegay in duulaankan ugu dambeeyay ee Israel ku hayso Jenin uu wiiqi karo, isla-markaana uu khatar ku yahay heshiiskii xabad joojinta Gaza.

“Falalka noocan oo kale ah waxay wiiqi karaan, khatarna ay ku yihiin xabad joojinta Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan.

Afhayeenka ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay ka jawaabto duulaankan, lana tixgeliyo heshiiskii Israel iyo Xamaas ee xabad joojinta lagaga sameeyay Marinka Gaza.

Mr. Khan ayaa Beesha Caalamka ku booriyay in la dejiyo qorshe la taaban karo oo dib-u-dhiska Gaza ah, si waafaqsan go’aamada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Pakistan waxay ka mid tahay dowladaha taageeray heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee la rajeynayo in lagaga gudbo xiisadda muddada dheer ka jirtay Gobolka Bariga Dhexe.

Duulaanka ay Israel horey ugu qaadday Gaza ayaa gobolka ka abuuray xiisad aan caadi ahayn, kaas oo sidoo kale laga dareemay caalamka oo dhan.

Qaddiyadda qaranimada Falastiin ayaa dunida ka noqotay mid ka mid ah waxyaabaha ugu xasaasisan ee sida fudud isku dhacyada uga dhalan karaan, iyadoo ay markaasi saamayn muuqato ku yeelaneyso caalamka intiisa kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc