Home Dhacdooyin Pentagon-ka oo sheegay in weerarka markabka Sounion uu abuurayo masiibo deegaan

Pentagon-ka oo sheegay in weerarka markabka Sounion uu abuurayo masiibo deegaan

by Laacib

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in weerarka ay Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen Arbacadii ku gubeen markabka nooca shidaalka ee Sounion uu abuurayo masiibo deegaan, haddii shidaalka uu ku qubto Badda Cas.

Sabrina Singh, Kuxigeenka Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in markabka xilligii la weerarayay uu siday ku dhawaad hal milyan oo fuusto oo shidaal ah.

Markabka oo dab xoogan uu qabsaday ayaa looga tagey meel 77 nautical miles dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Hudaydah ee Yemen, iyadoona laga daadgureeyay dhammaanba shaqaalihii la socday.

“Xuuthiyiintu waxay weerar ku qaadeen markab shidaal siday, lagana yaabo inuu ku qubto Badda Cas, taasoo abuureysa masiibo deegaan.” Ayay tiri Sabrina Singh oo gelinkii dambe ee Khamiistii Warbaahinta la hadashay.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska & Israel iyo kuwa kale ee lala xiriiriyo Dekedaha Israel ay ku taageerayaan dadka reer Gaza.

Sabrina Singh ayaa su’aal gelisay, sida weeraradan ay u caawinayaan qof kasta oo jooga Marinka Gaza, iyadoo xustay in markabkan uu ahaa mid watay Calanka Giriiga.

“Ma hubo sida ay taasi u caawineyso qof kasta oo jooga Gaza. Markabkan wuxuu ahaa mid watay Calanka Giriiga, waxaana saarnaa shaqaale u dhashay Ruushka iyo Filibiin. Markaa si sax ah uma garanayo ujeedadooda.” Ayay tiri Sabrina Singh.

Markabka ayaan bilaabin in uu saliidda ku sii daayo Badda Cas, oo haddii ay taasi dhacdana ay waxyeelo ba’an u gaysan karto marin biyoodka muhiimka ah, kalluunka & dhirta ay quutaan iyo xitaa biyaha la cabo.

Sidoo kale waxay saamayn ku yeelaneysaa isu socodka maraakiibta iyo xeebaha ka durugsan goobta uu haatan markabka ku sugan yahay.

Khatarta kiimikada iyo walxaha sunta ah ee markabka saaran oo aad u badan awgeed ayaa muddo dheer ku sii jiri karta Badda Cas, waxaana jira habab gaar ah oo lagaga jawaabo, marka ay masiibo ceynkani oo kale ah ay dhacdo, taasoo ay ugu horreyso ka hortagga in saliidda ay gaarto xeebta.

Markabka Sounion ayaa ka ambabaxay dalka Ciraaq, iyadoo uu ku sii jeeday deked ku taala duleedka Magaalada Athens, halkaas oo ay ku yaalaan warshado sifeeya shidaalka.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree oo Khamiistii Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay ku guuleysteen inay si sax ah u garaacaan markabkaasi, isagoona sheegay in uu halis ugu jiro in uu quuso.

Afhayeenka ayaa sheegay inaysan joojin doonin weeraradooda, illaa iyo inta xabad joojin rasmi ah lagaga dhawaaqayo Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa si firfircoon weeraradooda maraakiibta uga wada marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo tani ay walaac badan ku hayso xulafada Mareykanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc