Baadariga Mad-habta Catholic-ga ee Diinta Masiixiyiinta, Pope Francis ayaa sare u qaaday dhalleeceynta uu waayadaan u jeedinayay Israel ee ka dhalatay weeraradeeda cadowtinimada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo is hortaagga ay ku hayso gargaarka naf badbaadinta.
Baadariga ugu weyn ee Diinta Kirishtaanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay qaabka ay Israel u waddo hawlgalkeeda militari ee Gaza.
Baadariga ayaa xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ku tilmaamay mid aad u daran oo ceeb ah.
“Sinaba uma aqbali karno duqaynta lagu hayo dadka rayidka ah.” Ayuu yiri Pope Francis, isaga oo daba jooga weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel.
Pope Francis ayaa Khamiistan sheegay inaysan aqbali karin carruurta Gaza ee ku dhimaneysa qabowga jiilaalka ee ka jira dhulka go’doonsan.
“Ma aqbali karno in carruurtu ay barafoobaan illaa ay dhintaan, sababtoo ah isbitaalada iyo xarumaha korontada ayaa la burburiyay.” Ayuu yiri Pope Francis.
Hadalkiisan ayaa daba socdo eedeymo uu muddooyinkan u jeedinayay Israel, si ay u hagaajiso xaaladda bani’aadantinimo ee shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.
Israel ayaa loo maleynaya in ay ka carootay hadal dhawaan ka soo yeeray Pope Francis, oo ku saabsanaa in bulshada caalamka ay daraaseyso, haddii weerarada Israel ay ka dhigan yihiin xasuuq lagu hayo shacabka Falastiin iyo in kale.
Ka hor inta aanu Pope-ku kordhinta eedeymihiisan, Tel Aviv ayaan si dhakhsa ah uga jawaabin codsi uu bilowgii ugu jeediyay inay sare u qaaddo qulqulka gargaarka ee Gaza.
Hadalkiisan ugu dambeeyay ayaa indhaha dunida ku soo jeedinaya Israel iyo xadgudubyadeeda joogtada ah ee ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Qoysaska barakacayaasha iyo kuwa kale ee ku harsan guryahooda ayaa la ildaran dhibaatooyinka baahsan ee ka dhashay weerarada Israel ee leh dilka, dhaawaca, hoy la’aanta, cuntada & biyo yarida, korontada, sahayda dawada iyo shidaalka ee ka go’an amaba gabaabsiga ka sii ah isbitaalada.
Dhibaatada kale ee ka dhalatay go’doominta Israel ee Gaza waa inaysan dadku isu socon karin iyo inay ku adag tahay in ay raadsadaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.
Militariga Israel ee la soo dhoobay xuduudaha Gaza iyo kuwooda xakameynaya isu socodka koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza ayaa carqaladeynaya kolonyada gargaarka ee u raran Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.
Israel ayaa in muddo ahba wajaheysay cambaareyn xoog leh oo kaga imaaneysay dunida, waxayna hay’adaha caalamiga ah ay xasuuqeeda Gaza iyo xanibaadaha gargaarka ay ku tilmaameen isku day si ula ah loogu baabi’inayo shacabka.