Home Wararka Maanta Prof. Jawaari oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Prof. Jawaari oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

by Laacib

Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Dowladda ayaa shaacisay geerida Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoona uu muddooyinkii ugu dambeysay ku xanuunsanayay Caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayay qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagey.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Prof. Jawaari uu door taariikhi ah ka soo qaatay dib-u-soo celinta Dowladnimada Somaliya iyo dhismaha Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa marxuumka ku tilmaamay mid ka mid ah haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed.

Jawaari ayaa ahaa garyaqaan iyo siyaasi si weyn looga garanayay dal iyo dibadba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc