Taliska Ciidanka Puntland ayaa qirtay in askar badan ay kaga dhinteen dagaalkii maanta ka dhacay Gobolka Bari, kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.
Maleeshiyada Daacish ayaa saakay weerar si weyn soo qorsheeyay waxay ku qaadeen fariisimaha ay Ciidanka Puntland ku leeyihiin Gobolka Bari, gaar ahaan inta u dhaxeyso deegaanada Haraaryo iyo Qurac ama Haraaryo iyo Dharin ee jiidda Tog-jaceyl ee bartamaha Buuraleyda Calmiskaad.
Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday mootooyin ay qaraxyo ku rakiban yihiin iyo baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ka dibna uu xigay dagaal toos ah, isagoona xusay in laba jiho laga soo weeraray ciidamada.
Afhayeenka oo wareysi siiyay VOA ayaa marka hore sheegay in ciidamadu ay dileen in ka badan 70 nin oo ka tirsan maleeshiyadii soo weerartay fariisimahooda.
Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay ka dhinteen 27 askari, 46 kalena ay kaga dhaawacmeen dagaalkii xooganaa ee ay la galeen maleeshiyadaasi.
“Waxaan halkan uga tacsiyaynaya ciidamada geesiyaasha ah wixii dhintay, oo dalkooda iyo diintooda iyagoo difaacaya ee nimanka argagixisada ah ay u gaysteen.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Puntland.
Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Ilaahay ha u naxariisto wixii dhintay, wixii dhaawacmayna ha u booga-dhayo.”
General Faadhigo ayaa intaasi ku daray “Ciidanku hawlgalkooda ayay sii wadan doonaan, illaa iyo ninka ugu dambeeya ay soo qabtaan, sida uu amarku ahaa ayay waajibaadka u gudanayaan.”
Fariisimahan lagu soo weeraray ciidamada ayaa Daacishta Somaliya laga saaray 4-tii bishan, markaas oo ciidamadu ay guda galeen wejiga labaad ee hawlgalkan.
Waa dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee dhex mara labada dhinac, tan iyo markii Ciidanka Puntland ay 42 cisho ka hor Buuraleyda Calmiskaad ka bilaabeen hawlgalka ciribtirka Daacish.