Home Wararka Maanta Puntland oo shaacisay tirada xubnaha Daacish ee lagu dilay dagaalkii maanta

Puntland oo shaacisay tirada xubnaha Daacish ee lagu dilay dagaalkii maanta

by Laacib

Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in la dilay 44 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Daacish, ka dib weerar cir iyo dhulba leh oo maanta ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Taliska ayaa warsaxaafadeed uu caawa soo saaray ku sheegay in ciidamada hawlgalka ka wada dhulka buuraha ay dileen in ka badan 15 nin oo ajnabi ah, isla-markaana ay gebi ahaanba la wareegeen deegaanada Qurac, Dhasaq iyo Damdamle (Damdamaale).

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Emirate-ka Carabta uu laba duqayn ka fuliyay deegaanka Damdamaale iyo Togga Damdamaale, waxaana lagu dilay 29 nin, sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa goor sii horreysay oo maanta ah waxay inta u dhaxeyso deegaanada Qurac iyo Damdamle ku soo bandhigeen meydadka xubno ka tirsanaa maleeshiyada Daacish. Maleeshiyadan oo ajaaniib ahayd ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalkii maanta.

Hawlgalka ayaa maanta galay maalintii 51aad, iyadoona Taliska Ciidanka Puntland uu sheegay in hawlgalka ciribtirka Daacish uu sii socon doono, illaa iyo inta laga soo afjarayo argagixisada ku dhuumaaleysanaysa deegaanada Puntland.

Taliska ayaa bogaadiyay taageerada shacabka iyo garab istaagooda ciidamada, xilligan oo dagaal adag ay kula jiraan Daacishta Somaliya.

“Waxaan shacabkayaga ku bogaadinaynaa taageeradooda, garab istaagooda marxalad walba iyo sida ay uga feejigan yihiin, oo ay u ugaarsanayaan firxadka soo baxsada.” Ayuu taliska ku sheegay warsaxaafadeedka.

Shacabka oo si iskood ah isku abaabulaya ayaa sameynaya tabarucaad ay ku taageerayaan ciidamada ku maqan furimaha hore.

Shacabka ayaa maamulada degmooyinka iyo deegaanada ku wareejinaya deeq ay ugu talagaleen hawlgalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa waxay dhawaan shacabka ku ammaantay in ay si wanaagsan uga qayb qaateen wejigii koowaad ee hawlgalka, iyadoona ku boorisay in hawlgalka oo wejigiisii labaad socdana ay qayb lixaad leh ka qaataan.

Ololahan is xilqaan ayaa noqonaya kiisii ugu ballaarnaa ee ay shacabku ka sameeyaan deegaanada Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horaantii bishan sheegay in Puntland ay ku jirto dagaal ay ku keli tahay, iyadoo la dagaalameysa argagixiso caalami ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc