Home Wararka Maanta Puntland oo soo bandhigtay nin ka soo goostay Daacish, kaas oo horey uga baxsaday

Puntland oo soo bandhigtay nin ka soo goostay Daacish, kaas oo horey uga baxsaday

by Laacib

Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa soo bandhigay nin ay sheegeen inuu ka soo goostay Daacishta Somaliya, isla-markaana isu soo dhiibay ciidamada ku sugan deegaanka Unuun ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Salaad Naxar Xirsi ayaa lagu soo bandhigay Degmada Qandala, waxaana muddooyinkii u dambeysay ku daba joogay ciidamada amniga.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Salaad Naxar Xirsi uu ka faa’iideystay ballanqaadkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ee ahaa in la cafin doono cid kasta oo ka tirsan kooxaha argagixisada ee isku soo dhiibta maamulka.

Taliska ayaa sheegay in Naxar uu go’aansaday in uu maamulka isu soo dhiibo, diyaarna uu u yahay in ciidamada uu la shaqeeyo. Naxar ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland, waxaana uu talisku sheegay in uu ka tanaasulay fekerka Daacish.

Ninkan oo ka mahadceliyay cafiska loo fidiyay ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu ciidamada kala shaqeeyo hawlgalka lagu ciribtirayo maleeshiyada Daacish.

Naxar ayaa horey uga baxsaday gacanta maamulka, waxayna mar sii horreysay maxkamad ku taala Puntland ay ku xukuntay 10 sano oo xarig ah. Hay’adaha ammaanka ee Gobolka Bari ayaa in muddo ah ku raad joogay ninkaasi.

Isa soo dhiibistiisa ayaa imaneysa, iyadoo Ciidanka Puntland ay Buuraleyda Calmiskaad ka wadaan guluf ballaaran oo lagu wiiqayo Daacishta Somaliya.

Ciidanka Puntland ayaa cadaadis militari ku haya maleeshiyada Daacish ee ku uruursan buuraleyda aagga bari. Hawlgalka ayaana galay wejigiisii labaad, sida uu dhawaan sheegay Taliska Ciidanka Puntland.

Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon doono, illaa iyo ninka ugu dambeeya ee Daacish laga dilo ama la soo qabto amaba uu iska soo dhiibayo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc