Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa reer galbeedka u diray farriin uu ugu sheegayo inaysan jiri karin wax ka hor istaagi kara inay Waqooyi Kuuriya la gaaraan heshiis istiraatiijiyadeed oo dhameystiran, ka dib heshiiskii iskaashiga ee ay maanta kala saxiixdeen isaga iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un.
Labada hoggaamiye ayaa Caasimadda Pyongyang ku gaaray heshiis cusub oo iskaashi, kaas oo ah in labada dal ay si wadajira ula dagaalamaan, haddii midkood la soo weeraro.
Madaxweynaha Ruushka oo hadlayay shir jaraa’id ayaa xulafada Mareykanka ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen waajibaadka caalamiga ah ee ka saaran xasilloonida iyo nabadda dunida, maadaama ay hubeynayaan dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.
“Waxaan indhaha caalamka ku soo jeedinayaa hadalada ka soo yeeraya Mareykanka, NATO iyo dalalka kale ay xulafada yihiin ee ay gantaalada ridada dheer, diyaaradaha F-16 iyo qalab kale oo casri ah oo dagaal ay ku keenayaan Ukraine, si loogu weeraro dhulka Ruushka. Run ahaantii taasi kuma koobna hadal oo qura ee ficil ahaan ayay u sameynayaan, tanina waxay xadgudub cad ku tahay masuuliyadda caalamiga ah ee reer galbeedka ka saaran xasilloonida iyo nabadda adduunka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in Ruushku aanu meeesha ka saari doonin in xiriir militari iyo mid farsamaba uu la yeesho Kuuriyada Waqooyi.
“Annagoo arrintaa xadgudubka ah ka duulayno, Ruushka marnaba meesha kama saarayo inuu xiriir militari iyo mid farsamo oo heerkiisu sarreyo la yeesho Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Kuuriya, si waafaqsan heshiisyada aan kala saxiixanay.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.
Madaxweyne Putin ayaa wacad ku maray in Moscow ay si buuxda u difaaci doonto Kuuriyada Waqooyi, haddii ay la kulanto weerar xagga dibadda ah.
Kuuriyada Waqooyi waxay muddo dheer la daallaa dhaceysay dhibaatada ay kala kulantay cunaqabateynta ka dhalatay sameysashada hubkeeda nuclear-ka iyo gantaalada casriga ah ee ridada dheer. Ruushka ayaa sidoo kale wajahaya cunaqabateyno is biirsaday oo dalkiisa ay ku hayaan Mareykanka iyo reer Yurub, ka dib duulaankiisii Ukraine, waxayna hadda doonayaan inay iska kaashadaan dhinacyada militariga, ganacsiga, teknolojiyadda hawada sare, cuntada, shidaalka iyo lacagaha qalaad.
Iskaashigan cusub ayaa saameynaya Gacanka Kuuriya, taasina waxay walaac gelineysaa Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka, sida Koonfurta Kuuriya iyo Japan.
Fallanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in daandaansiga joogtada ah ee ay reer galbeedka ku hayaan Ruushka ay soo dedejisay in uu qaado tallaabadan.
Dalalka G7 oo la isku yiraahdo Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, Japan iyo Canada ayaa Khamiistii ku heshiiyay mabda’ ahaan qorshe lacag dhan 50 bilyan oo dollar amaah ahaan loogu caawinayo Ukraine, si ay ugu adeegsato dagaalka ay kula jirto Ruushka. Lacagtan ayaa lagu sheegay faa’iidada dulsaarka ee laga helo hantida Ruushka ee la xanibay, ka dib duulaankiisii Ukraine.
Tallaabooyinka reer galbeedka ayaa dhabaha u xaartay in Ruushka oo xubin joogto ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu dib u eegis ku sameeyo cadaadiska caalamiga ah ee muddada dheer lagu go’doominayay Kuuriyada Waqooyi.
Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa hadda Pyongyang ku tegay safarkiisii ugu horreyay ee muddo afar iyo labaatan sano ah.
Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka ayaa isku dayi doona inay si dhow ula socdaan illaa iyo heerka uu Putin ka taageeri doono Waqooyiga Kuuriya amniga iyo dhaqaalaha.