Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Howlaha Nabadda, Jean-Pierre Lacroix ayaa Raysal Wasaaraha Israel ku gacan seyray codsiga uu Isniintii jeediyay, ee ahaa in Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey laga raro deegaanada koonfurta Lubnaan ee dhaca xuduudda labada dal.
Benjamin Netanyahu ayaa codsaday in Ciidanka Hawlgalka UNIFIL laga raro goobaha ay degan yihiin, si aysan dhibaato uga soo gaarin dagaalka u dhaxeeya Militariga Israel iyo Xoogaga Xisbullah.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Axaddiina warqad uu u qoray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres kaga dalbaday in ciidamada laga saaro goobahaasi.
Jean-Pierre Lacroix ayaa sheegay in uu jiro go’aan caalami ah oo lagu taageeray shaqada ciidamadaasi, sidaasi daraadeedna ay howlahooda shaqo sii wadan doonaan.
Waxa uu intaasi ku daray in Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen waajibaadka loo igamaday ciidamadaasi ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada deegaanada xuduudda ee Lubnaan iyo Israel. Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada New York ayuu carabka ku adkeeyay inaysan jiri doonin meel ay ciidamadu uga guuri doonaan xarumahooda.
“Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey waxay ku sii sugnaan doonaan xarumaha ay ku leeyihiin Lubnaan.” Ayuu yiri Jean-Pierre Lacroix.
Jean-Pierre ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan carabka ku adkeeyo in go’aankan uu yahay mid sii jiri doono.”
Ciidamadan ayaa degan aagga khadka buluugga ee kala qaybiya labada dal, gaar ahaan qaybta dalka Lubnaan, waana halka ay Israel dooneyso inay ka guuraan, si ciidamadeeda ay ula wareegaan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa Israel iyo Xisbullah ugu baaqay inay ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah, isla-markaana ay waajibaad iska saaraan ammaanka Ciidanka & Shaqaalaha Qaramada Midoobey.
Dalalka reer galbeedka ayaa Israel ugu yeeray in ciidamadeeda ay joojiyaan weerarada ay ku hayaan xeryaha ay degan yihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta.
Israel ayaa cambaareyn xoog leh kala kulantay dunida, ka dib dhowr jeer oo ciidamadeedu ay weerareen Xoogaga UNIFIL.