Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo Israel ku marqaati furtay inay dhibaato baahsan ka gaysatay Lubnaan

Qaramada Midoobey oo Israel ku marqaati furtay inay dhibaato baahsan ka gaysatay Lubnaan

by Laacib

Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR, Filippo Grandi ayaa sheegay in Lubnaan ay la kulmeyso dhibaato barakac oo aad u weyn.

Madaxa Hay’adda UNHCR ayaa sheegay in ololaha militari ee Israel ee duqaymaha iyo hawlgalka dhinaca dhulka ee xuduudda isugu jira uu abuuray walaac caalami ah.

Sarkaalkan ayaa sheegay in weerarada sii kordhaya ee Israel ay ku xadgudbeen sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, ka dib markii la beegsaday kaabeyaasha dadweynaha qaarkood iyo in la dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Waxaa jira dhacdooyin badan oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, sababtoo ah habka loo maareeyay duqaymaha.” Ayuu yiri Filippo Grandi oo booqanayay magaalada caasimadda ah ee Beirut.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan maanta goobjoog u ahaa dhibaatada naxdinta leh ee dagaalkan uu ku hayo bulshooyinka oo dhan.”

Filippo Grandi ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada waa in la ixtiraamaa, lamana iska indha tiri karo. Qoysasku waxay noqdeen guryo la’aan, waxayna ku go’doonsan yihiin meelaha bannaan. Dadkaasi dhibaateysan waxaa ku jira carruur aan awoodin inay fahmaan waxa dhacaya.”

Grandi ayaa xusay in ay jiraan xubno ka mid ah shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa caafimaadka oo lagu dilay duqaymaha socda.

Laba ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNHCR ayaa ka mid ah dadka ka shaqeeya howlaha samafalka ee lagu dilay weerarada xagga cirka ee Israel.

Waxaa uu walaac ka muujiyay duqaynta kale ee ay Israel ku burburisay marinka ugu weyn ee isku xira Lubnaan iyo Suuriya. Marinkan ayaa muhiim u ahaa dadka ka baxsanaya colaadda koonfurta Lubnaan ee doonaya in ay ka gudbaan kontoroolka xuduudda labada dal ee Al Masnaa.

Waddada dhowrka mitir ee balaceedu yahay ee la burburiyay ayaa xitaa caqabad ku ah shaqaalaha gargaarka ee doonaya in ay gurmadka bani’aadantinimo gaarsiiyaan ku dhawaad 400,000 oo qof oo gaaray deegaanada xadka ee dalka Suuriya.

Militariga Israel ayaa iyagu ku adkeysanaya in ay beegsanayaan oo keliya Xoogaga Xisbullah iyo kaabeyaashooda militari, oo lagu bartilmaameedsanayo duqaymaha cirka iyo hawlgalka ka socda deegaanada xuduudda ee Israel iyo Lubnaan.

Dowladda Lubnaan ayaa mar sii horreysay ku dhawaaqday in la barakaciyay in ka badan boqolkiiba labaatan dadka dalkaasi.

Qaramada Midoobey waxay codsatay $425.7 milyan, si wax looga qabto dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka jira dalkaasi. 40% ayaa illaa hadda loo ogolaaday.

Mr. Grandi ayaa caalamka ugu baaqay in loo gurmadka dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay colaadda, sida mugga leh loogu ballaariyay dalkaasi oo dhan.

“Waa in la soo afjaraa colaadahaan khalafsan ee soo noqnoqday, waana in dunida u soo gurmataa Lubnaan.” Ayuu yiri Grandi.

Madaxda Israel ayaa wacad ku maray in ay cagta marin doonaan Xisbullah, si dadkii Israeliyiinta ahaa ee barakacay ay dib ugu soo laabtaan deegaanada waqooyi ee Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc