Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ka digaya kororka isku dhacyada hubeysan iyo burburka soohdinta Lubnaan iyo Israel, isla-markaana aysan tani xalin doonin arrimaha asaasiga ah iyo in la helo amni & xasillooni mustaqbalka fog ah.
Ergayga Gaarka Qaramada Midoobey ee Lubnaan, haweeneyda lagu magacaabo Jeanine Hennis-Plasschaert iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Lubnaan ee Hawlgalka UNIFIL, General Aroldo Lázaro ayaa sheegay in hal sano ka dib ay duqaymihii Israel iyo Xisbullah isu bedeleen olole militari oo ballaaran.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka gudbeen heerka is xakameynta, ka dib markii sida ay sheegeen baaqyadooda la dhageysan waayay.
“Maantay hal sano ka dib duqaymihii maalinlaha ahaa ee la is weydaarsanayay waxay isu bedeleen olole millatari oo aan kala joogsi lahayn, oo saamayntiisa bani’aadantinimo aanay ka yareyn masiibo.” Ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen jananka iyo haweeneydaasi.
Bayaanka ayaa lagu yiri “Duqaymaha joogtada ah ee Israel oo hadda qayb ka ah nolol maalmeedka Lubnaan iyo gantaalaha Xisbullah ku soo rideyso Israel, dad aad u tiro badan ayaa ku bixinaya qiimo aan la qiyaasi karin. Qaar badan ayaa ku dhintay, in badan oo kalena way ku dhaawacmeen, boqolaal kun oo kalena way ku barakaceen.”
Taliyaha Hawlgalka UNIFIL iyo Jeanine Hennis-Plasschaert waxay sheegeen in kororka rabshadaha iyo weerar dhinaca dhulka ah oo la sameeyo ay dhinacyada ka fogeynayaan qaraarkii nabadeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu ahaa 1701 (2006) iyo shuruudaha kale ee lagama maarmaanka u ah nabadgelyada waarta ee shacabka labada dal.
“Si loo sheego waxa muuqda gantaal kasta ama bam oo la rido iyo weerar dhulka ah oo la sameeyo waxa ay dhinacyadu ka sii fogeynayaan aragtidii lagu dejiyay qaraarka 1701 (2006) iyo sidoo kale shuruudaha lagama maarmaanka u ah dhinacyada Khadka Buluugga ah.” Ayay ku sheegeen bayaankooda.
Waxay sheegeen in colaadda la ballaarinayo iyo burburkuba aysan xal u noqon karin shacabka labada dhinac iyo weliba deegaanada xuduudda ee labada dal.
Waxay kaloo sheegeen in shacabkii deganaa deegaanada xuduudda ee labada dhinac aysan soo laaban karin, haddii aysan labada dal go’aansan in colaadda lagu xaliyo wada-xaajood diblomaasiyadeed.
“Waxa kale oo cad in rabshado iyo burbur hor leh aanay xalineynin arrimaha salka ku haya ama aanay cidna ka dhigi doonin mid nabad ah mustaqbalka fog. Taas bedelkeeda wada-xaajoodka waa dariiqa keliya ee lagu soo celin karo amniga iyo xasiloonida ee dadka rayidka ah ee labada dhinacba.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Dagaalka ka soconaya deegaanada xuduudda ayaa saamayn weyn ku yeeshay Ciidanka UNIFIL, kuwaa oo degan aagga khadka buluugga, iyadoo ayna Ciidanka Qaramada Midoobey noqdeen kuwo lagu dul dagaalamayo.
Ciidamadu waxay gebi ahaanba joojiyeen roondadii ay ku samayn jireen deegaanada xuduudda, dhaqdhaqaaqooduna hadda ma dhaafsiisana xeryahooda, sababtu tahay xaaladda adag ee soo korortay.
Ciidamadan oo ku shaqeeya amarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka kooban 10,000 oo askari iyo 800 oo shaqaale rayid ah oo ka kala socda 50 dal.
Golaha Ammaanka ayaa bishii March ee sanadkii 1978-kii aasaasay Hawlgalka Nabad Ilaalinta ee UNIFIL, si loo xaqiijiyo ka bixitaanka Israel ee Lubnaan, soo celinta nabadda & amniga caalamiga ah iyo in laga caawiyo Dowladda Lubnaan tababarada ciidamada iyo xoojinta dowladnimada.
Hawlgalka UNIFIL ayaa la ballaariyay sanadkii 2006, ka dib dagaalkii 33-ka maalmood socday ee dhex maray Israel iyo Xisbullah, iyadoona uu ujeedku ahaa in ay xaqiijiyaan heshiiskii xabad joojinta ee ay Qaramada Midoobey riixeysay. Dagaalkaasi oo qarxay 12-kii bishii July, 2006 ayaa istaagay 14-kii bishii xigtay ee August, markaas oo ay dhaqangashay xabad joojin ay Qaramada Midoobey garwadeen ka ahayd.
Israel ayaa 23-kii bishii ina dhaaftay ee September ku dhawaaqday hawlgal ay ugu magac-dartay (Fallaaraha waqooyiga), kaas oo ka dhan ah Ururka Xisbullah. Hawlgalka oo ku bilowday duqaymo culus oo dhanka cirka ah ayaa waxaa xigay duulaan xadidan oo dhinaca dhulka oo 1-dii bishan ay Israel ku dhawaaqday, iyadoona ay natiijadu noqotay in 6 maalmood ka dib ay ku dhawaaqdo in la ballaariyay hawlgalkii dhinaca dhulka ee deegaanada koonfurta Lubnaan, taasoo calaamad u ah in labada dhinac ay u jiheysteen dagaal ballaaran.