Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in xaaladda dalka Suuriya ay meel adag mareyso, isla-markaana ay xaaladdu u muuqato mid ka sii dareysa, ka dib markii uu sii xoogeystay dagaalka ay kooxaha fallaagada kula jiraan Ciidamada Dowladda.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in dagaalku uu kaga sii darayo xaaladda argagaxa leh ee dadka rayidka ee markii horeba ka jirtay waqooyi galbeed ee Suuriya, oo ah meesha uu dagaalku dib uga soo cusboonaaday, dhawaan.
Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in dagaalka toddobaadkii hore ka bilowday Gobolka Idlib oo keliya ay ku barakaceen in ka badan 280,000 oo qof. Hay’addu waxay kaloo sheegtay in barakacayaasha ay u badan yihiin haween iyo carruur.
Saraakiisha Qaramada Midoobey iyo kuwa hay’adaha caalamiga ahba waxay sheegayaan in dagaalka ku baahaya dalka oo dhan uu uga sii darayo xaaladda nololeed ee shacabka muddada dheer la dhibaateysnaa dhibaatooyinka ay ka dhaxleen dagaalka sokeeye ee dalkaasi.
Saraakiisha sida dhow ula socota colaadda dib uga soo cusboonaatay dalkaasi ayaa sheegay in ay jiraan dad rayid ah oo ku xaniban furimaha hore ee dagaalka, isla-markaana aysan awoodin inay raadsadaan goobo ammaan ah.
Magaalada Aleppo oo fallaagadu ay qabsadeen Sabtidii ayaa waxaa ka go’an adeegyada bulshada, oo ay ku jiraan isbitaalada, xarumaha korontada, biyaha, internet-ka iyo isgaarsiinta, waxaana magaaladan oo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof gabaadsi ka ah sahayda.
António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay jiraan tobanaan kun oo shacab ah oo halis wajahaya, isagoona dhammaanba kuwa saamaynta leh ugu yeeray inay qaybtooda ka qaataan, si loo soo afjaro dagaalka dib u dhaca aadka u weyn ku keenay dalkan.
Xoghayaha ayaa dhinacyada ku lugta leh dagaalka ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan badbaadada dadka rayidka ah, isla-markaana uu waajib ka saaran yahay inay ilaaliyaan rayidka.
“Waxaa kaloo si degdeg ah loogu baahan yahay gargaar bani’aadantinimo oo la gaarsiiyo dadka u baahan.” Ayuu yiri António Guterres.
Mr. Guterres ayaa dhinacyada ku booriyay in dib loogu laabto hannaanka siyaasadeed ee ay Qaramada Midoobey fududeysay, si loo soo afjaro buu yiri dhiigga daadanaya.
“Waxaan aragnaa mirihii qaraaraa ee guuldarada wadajirka ah ee qorsheyaashii hore ee kicinta.” Ayuu yiri Guterres oo intaasi ku daray “Si loo gaaro xabad joojin dhab ah oo dalka oo dhan ah ama hannaan siyaasadeed oo dhab ah waa in la hirgeliyo go’aamada Golaha Ammaanka.”
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa 18-kii bishii December ee sanadkii 2015 meelmariyay qaraar uu tirsigiisu ahaa 2254, kaas oo ku baaqaya heshiis xabad joojineed iyo xal siyaasadeed oo laga gaaro colaadda Suuriya. Qaraarka ayaa qeexaya hannaanka kala guurka siyaasadeed ee dalkaasi, inkastoo aan illaa iyo hadda wax horumar ah laga gaarin hirgelintiisa.
Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa Madaxweyne Bashar Al Assad iyo isbahaysigiisa Ruushka iyo Iran ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin hirgelinta qaraarka 2254 ee Golaha Ammaanka, si xal loogu helo dagaalka muddada dheer ka socdo dalkaasi.