Qaramada Midoobey ayaa Talaadadii si kulul u cambaareysay dilka ay Ciidamada Israel Axaddii u gaysteen 15 ka mid ah shaqaalaha bani’aadantinimada ee ka hawlgala Marinka Gaza.
Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegtay in Ciidanka Difaaca Israel ay si ula kac ah u weerareen kolonyo ay leeyihiin shaqaalaha bani’aadantinimada, meydadkoodana ay uga taggeen halkaasi.
Ciidamada Israel ayaa gaadiidka shaqaalaha ku beegsaday deegaanka Rafah ee cirifka koonfured ee Marinka Gaza.
Koox samatabixin ah oo ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) ayaa agagaarka xaafadda Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafah ka soo qaaday muuqaal muujinaya baabuur UN ah oo la burburiyay, ambalaasyo iyo baabuur dab-demis ah oo dhulka laga hoos mariyay.
Shaqaalaha ayaa loogu yeeray aaggaas, si loo daadgureeyo khasaaaraha ka dhashay weerar ay Israel ka gaysatay halkaasi, balse markii dambe iyagii la dab saaray.
Shaqaalaha Axaddii la weeraray ayaa isku dayayay in ay gurmad u fidiyaan koox iyaga ka horreysay, oo sidooda oo kale gurmad ugu yimid goobta, laakiin la beegsaday.
Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in lagu guuleystay in la soo saaro meydadka 15 ka mid ah shaqaalaha, ha yeeshee illaa iyo hadda aan nolol lagu hayn mid kale.
Afhayeen u hadlay Xafiiska OCHA oo lagu magacaabo Jens Laerke ayaa qaylo dhaan ka muujiyay falka naxdinta leh ee Israel ka gaysatay goobta.
“Tani waxay nagu tahay dharbaaxo weyn. Dadkan waa la toogtay.” Ayuu yiri Jens Laerke oo ka walaacsan dhacdadaasi oo uu sheegay in lagu dilay 15 shaqaale, mid kalena illaa iyo hadda la la’yahay.
Qaramada Midoobey ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalahan ay wateen calaamado si cad loogu aqoonsan karo, isla-markaana ay u shaqeynayeen Ururka Bisha Cas ee Falastiin, Hay’adda Difaaca Madaniga ee Falastiin iyo Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).
Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk oo isna si adag u cambaareeyay weerarkan ayaa codsaday baaritaan madaxbannaan oo degdeg ah, iyadoo si dhab ah loo baarayo weerarkaasi foosha xun.
James Elder oo ah Afhayeenka Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobey (UNICEF) ayaa si carro leh u cambaareeyay jebinta aan horey loo arag ee sharciga caalamiga ah bani’aadantinimada ee Gaza ee lala xiriiriyay dib u soo celinta duqaymaha Israel iyo hawlgalka ay ciidamadeeda isku dayayaan in ay si qoto dheer gudaha ugu galaan Marinka Gaza.
Gideon Sa’ar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegay in ciidamadooda aysan samayn wax khalad ah, isla-markaana ay ka shakiyeen gaadiid ambulance oo shaqaalahaasi ay la socdeen, dibna ay ka ogaadeen in dadka la dilay ay sagaal ka mid ah ahaayeen Xoogaga Xamaas iyo Islamic Jihaad, isagoo aan wax caddeyn ah soo bandhigin.
Dhacdadan ayaa ka argagixisay shaqaalaha ka hawlgala Marinka Gaza, waxaana loo fasirtay farriin si cad loogu sheegayo inaanay ka sii shaqayn karin gudaha Gaza.
Israel ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay weeraro aan kala sooc lahayn ka wadday qaybaha Gaza oo idil, ka dib markii ay dib u soo celisay weeraradii aan hadafka lahayn ee Gaza.
Muddadii Israel ay duulaanka ku haysay Marinka Gaza ayay dishay boqolaal ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgala Gaza.
Hay’adda UNRWA ayaa waxay sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday bishii October ee sanadkii 2023 ay Israel dishay 408 shaqaalaha gargaarka, oo ay ku jiraan in ka badan 280 shaqaale oo kuwa Qaramada Midoobey ah.
Tani ayaa noqoneyso shaqaalihii ugu badnaa ee Qaramada Midoobey ee lagu dilo goob qura, wax ka yar muddo laba sano ah.