Home Dhacdooyin Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Waddada Ceelgaabta ee Muqdisho (SAWIRRO)

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Waddada Ceelgaabta ee Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Dhowr qof oo Saxafiyiin ay ku jiraan ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo Al Shabaab ay sheegatay.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta, waxaana uu bartilmaameedkiisu ahaa kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo marayay waddada.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in qaraxa oo u muuqday mid waddada dhinaceeda la dhigay uu haleelay mid ka mid ah baabuurta nooca aan rasaasta karin oo lagu gelbinayay Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xilligii kolonyadiisa la beegsanayay ka ambabaxayay Caasimadda Muqdisho, isagoona ku wajahnaa jiidaha hore ee Hirshabelle.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerar bambaano ay la beegsatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu ku socdaalayay gudaha Muqdisho.

Al Shabaab ayaa warka ku sheegtay in kolonyada Madaxweynaha la weeraray, xilli ay ka soo baxeen Madaxtooyada, kuna sii jeedeen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Qaraxan ayaa inta la ogyahay sababay dhimashada afar qof iyo burburka dhisme goobta ku yiilay. Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya in dhismahaasi uu si xun ugu burburay qaraxa.

Wariye Maxamed Abuukar Maxamed (Dabaashe) oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ka hawlgala Muqdisho ayaa meydkiisa laga soo saaray burburka dhismaha.

Cumar Cabdulle Sheegow (Cumar Aayaa) oo isna nin Saxafi ahaa ayaa ka mid noqday dadka kale ee ku naf waayay qaraxan.

Sakariye Nuur Xasan oo nin dhallinyaro ahaa iyo Cabdi Xirsi Muuse oo isna nin oday ahaa ayaa ah labada qof ee kale ee qaraxa ku geeriyooday. Illaa lix qof ayaa la ogyahay in sidoo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sultaan Ayuub Wardheere oo ka mid ahaa lixda qof ee dhaawaca ah uu isbitaalka ugu geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxaasi.

Dhanka kale Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ay xabsiga u taxaabeen Wariyeyaal isku dayayay in ay soo tebiyaan dhacdadaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Saxafiyiintaasi lagu xiray Saldhigga Booliska ee Degmada Xamar Jajab.

Booliska ayaa sidoo kale gudaha u galay Xarunta Idaacadda Risaala oo goobta ku taala, iyagoona albaabada isugu laabay. Booliska ayaa horey u sii kaxeystay shaqaalihii iyo howlwadeenadii idaacaddaasi, inkastoo saacado ka dib ay dib xorriyaddooda u heleen.

Ciidamada ayaa ugu dambayn waxay waddada ka qaadeen gaarigii qaraxa lala beegsaday ee ka midka ahaa kolonyadii uu Madaxweynuhu la socday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc