Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, qofna uu ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Maqaaxidan ayaa ku taala xaafadda Xaawo Taako, gaar ahaan halka lagu magacaabo Guufaale, waana maqaaxi ay mararka qaarkood fariisan jireen Ciidamada Dowladda.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhashay miino horey loogu dhex aasay maqaaxidaasi.
Labada qof ee qaraxa ku dhintay ayuu midkood ahaa askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, halka kan kalena uu shacab ahaa.
Ninka shacabka ah ee qaraxa ku geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Cali Muxumed Xalane.
Qofka qura ee qaraxa ku dhaawacmay ayaa lagu sheegay haweeneydii maqaaxida lahayd, taas oo magaceeda lagu soo koobay Carabo. Haweeneydan oo dhaawac culus uu soo gaaray ayaa xaaladeeda lagu la tacaalaya isbitaal ku yaala magaaladaasi.
Dhanka kale ciidamada amniga oo ku baxay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaan jirin cid la sheegay inay qaraxaasi u soo qabteen.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse qaraxyada ceynkani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay maleeshiyada Al Shabaab.
Qaraxyada ayaa ka mid ah hubka wax dila ee ay Shabaabku u adeegsanayaan weeraradooda jabhadeynta ah ay dalka ka wadaan.