Qaraxyo is xigxigay ayaa xalay ka dhacay Magaalada Tel Aviv, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka Israel iyo Xisbullah.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in afar qarax oo waaweyn ay ruxeen magaalada, isla-markaana ay baqdin badan ku abuureen dadka deegaanka.
Dhawaqa seeriga digniinaha ayaa is qabsaday magaalada oo dhan, iyadoona Israeliyiinta ay ku carareen godadka dhulka hoostiisa ee gantaalada laga galo.
Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in ay gurmad u fidiyeen shan qof oo ku dhaawacantay qaraxyadaasi.
Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in korontada ay ka go’day qaybo ka mid ah magaalada, ka dib markii ay qaraxyadu dhaceen.
Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ay tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ay ku weerareen bartilmaaeedyo militari oo ku yaala magaaladaasi.
Xisbullah ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay si sax ah u garaaceen goobo xasaasi ah oo militari oo ku yaala Tel Aviv.
Weerarka ayaa dhacay wax yar uun ka dib, markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Israel, uuna sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan, waxa uu ku sheegay argagixisada ay Iran hubeyso.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka codsaday in Dowladda Ciraaq lagu cadaadiyo inay joojiso weerarada ay kooxaha hubeysan ee dalkaasi ka gaysanayaan gudaha Israel.
Wasiirka ayaa sheegay in Isniintii uu Golaha Ammaanka u gudbiyay warqad uu ugu baaqayo in tallaabo degdeg ah laga qaado Xoogaga Islaamiyiinta ee Ciraaq.
Xoogaga wax iska caabinta Ciraaq ee Iran taageerto ayaa habeen kasta diyaarado drones ah ku weerara dhulka ay Israel maamusho, iyadoo garab istaag loo muujinayo Xamaas iyo Xisbullah.
Xoogagan oo qayb ka ah kooxaha Islaamiyiinta ee Iran bari-taarto ayaa si joogta ah ugu hanjaba inaysan joojin doonin weeraradooda, inta Israel ay xasuuqeyso shacabka Falastiin iyo Lubnaan.
Israel ayaa wajaheysa dagaal dhowr weji leh oo kaga imanaya ururada hubeysan ee gobolka, kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda dhiigga ay daadineyso.
Iskusoo wada-duuboo gantaalaha ay is weydaarsanayaan Israel & Xisbullah iyo dagaalka labada dhinac ku dhex maraya xuduudda ayaad arkaysaa inuu sii xoogeysanayo.