Home Wararka Caalamka Qaxootiga Suuriya oo dib ugu laabanaya dalkooda (SAWIRRO)

Qaxootiga Suuriya oo dib ugu laabanaya dalkooda (SAWIRRO)

by Laacib

Dadkii ugu badnaa oo Suuriyaan ah ayaa dib ugu laabanaya dalka Suuriya, ka dib markii ay dhacday dowladdii uu hoggaaminayay Bashar Al Assad.

Tobanaan kun oo Suuriyaan ah ayaa dib uga soo laabanaya dalalka Jordan iyo Lubnaan, dalalkaas oo sanado badan ay qaxooti ku ahaayeen.

Qulqulka dadka dib u soo laabanaya ayaa kordhi doonta, marka saacadaha soo socda uu Turkigu furo xuduudda uu la wadaago dalka Suuriya.

Kumanaan Suuriyaan ah ayaa Isniintii soo dhoobtay kontoroolka xuduudda ee Cilvegozu ee koonfurta Turkiga, si ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay furayaan xuduudda, si shacabka Suuriya ay si iskood ah dib ugu laabtaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu maareyn doono habka dib u celinta ee qaxootiga reer Suuriya.

“Waxaan furaynaa albaabada xuduudaha, si aan uga hortagno ciriiriga, loona fududeeyo isu socodka gaadiidka. Waxaan sidoo kale maarayn doonnaa habka dib u celinta ee dadka iskooda u laabanaya, si ku habboon taariikhdeenna, dhaqankeenna iyo 13-kii sano ee aan soo dhaweynaynay.” Ayuu yiri Erdogan.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Suuriya, Ahmed Al Sharaa (Abu Mohammed Al Jawlani) ayaa dhankiisa sheegay in la guda geli doono dib u soo celinta muwaadiniinta Suuriya ee dalka dibaddiisa ku maqan.

Turkiga ayaa soo dhaweyn iyo dib u dejinba u sameeyay qaxootigii ugu ballaarnaa ee Suuriya, sanadihii ugu horreyay ee dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka qarxay sanadkii 2011.

Qaxootiga Suuriya oo noqday kuwii ugu badnaa ee caalamka ayaa isaga cararay dalkooda, intii uu socday dagaalkii ay Dowladda Bashar Al Assad kula jirtay mucaaradkii hubeysnaa ee ka soo horjeeday.

Turkiga ayaa moodayay in dagaalka Suuriya uu si dhakhsa ah u soo geba-gaboobi doono, balse dagaalka oo sii daba dheereynayay waxay ku khasabtay in aag nabdoon uu ka sameeyo gudaha xuduudda uu la wadaago Suuriya, halkaas oo uu dib u dejin ugu sameeyay Suuriyaankii dib laga soo barakaciyay.

Tani ayaa waxay imaneysaa, iyadoo in ka badan hal milyan oo Suuriyaan ah ay ku barakaceen dalka gudihiisa, ka dib dagaalkii ku dhawaad laba toddobaad ka hor dib uga soo cusboonaaday dalkaasi.

Xoogaga fallaagada ayaa 27-kii bishii November qaaday weerar aan horey noociisa loo arag, kaas oo ay xukunka kaga tuureen Madaxweynihii muddada dheer dalkaasi ka arriminayay, waa Bashar Al Assad.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc