Home Wararka Maanta Qayb ka mid ah Muslimiinta oo maanta ciideysa maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga

Qayb ka mid ah Muslimiinta oo maanta ciideysa maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga

by Laacib

Qaybo badan oo caalamka ka mid ah ayaa maanta laga ciidayaa maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga, ka dib markii bilashada bisha Shawaal laga arkay dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Somaliya.

Muslimiinta maanta ciideysa, marka laga reebo Indonesia, Oman, Jordan iyo Syria ayaa ah kuwii bisha Ramadan soomay 1-dii bishan March.

Indonesia, Oman, Jordan iyo Syria ayaa maanta laga sooman yahay maalinta 30-aad ee bisha Ramadan, sababtu tahay waa inaanan dalalkaasi laga arkin curashada bisha Soon-fur ama Shawaal, sidaasi daraadeedna ay dhameystirayaan 30-ka Ramadan.

Waxaa jira dalal kale oo aanay maanta dadkoodu ciideen, waxaana laga xusi karaa Malaysia, Brunei, India, Pakistan, Bangladesh, Iran iyo qayb ka mid ah dalka Ciraaq, waana dalalkii bilaabay inay soomaan 2-dii March. Dalalkan ayaa maanta laga sooman yahay 29-ka Ramadan, iyadoona laga ciidi doono Isniinta berrito ah.

Somaliya oo ka mid ah dalalkii ay dadkoodu soomeen 1-dii March ayaa maanta si weyn looga ciidayaa.

Salaadda Ciidda ayaa saaka lagu oogay masaajidda iyo fagaareyaasha ku yaala magaalooyinka waaweyn iyo guud ahaanba deegaanada Soomaalida.

Sidoo kale Muslimiinta ku nool dalalka aan Muslimka ahayn ayaa maanta u dabaaldegaya maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga, walow Muslimiinta reer Australia ay Isniinta ciidi doonaan.

Ciidul Fidriga waa mid ka mid ah labada ciidood ee Islaamka uu leeyahay, waxayna Muslimiinta ku jebiyaan maalmihii ay soomanaayeen ee bisha Ramadan.

Ciidaha Islaamka ayaa xuskooda iyo dabaaldegooda si weyn looga dareemaa caalamka, gaar ahaan dunida Muslimka, iyadoona Muslimiintu ay muujiyaan farxadda maalmaha ciidahaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc