Taliska Hawlgalka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in Ciidanka Qaramada Midoobey aysan ka guuri doonin goobaha ay haatan ka degan yihiin deegaanada xadka koonfureed ee dalkaasi.
Afhayeenka Hawlgalka UNIFIL, Andrea Tenenti ayaa sheegay in Ciidanka Qaramada Midoobey ay sii joogi doonaan farriisimahooda.
Warkiisa ayaa jawaab u ah baaqa uga yimid Israel ee ku aaddan in ciidamadu ay 5km u guuraan waqooyi, si loo xaqiijiyo inaanan la weerarin.
Khamiistii illaa Sabtidii shalay, dhowr jeer ayaa la weeraray Xerada Hawlgalka UNIFIL iyo laba goobood oo kale oo Qaramada Midoobey ay ku leedahay dhulka xuduudda, waxaana la sheegay in 5 askari ay ku dhaawacmeen weeraradaasi.
Afhayeenka Hawlgalka UNIFIL ayaa sheegay in Israel ay ka codsatay inay banneeyaan farriisimahooda, balse ay Qaramada Midoobey diiday, ka dib markii arrintaasi ay mowqif mideysan ka qaateen.
Andrea Tenenti ayaa sheegay in joogitaanka Ciidanka Qaramada Midoobey ay muhiim u tahay gobolka iyo in mar kasta ay xaaladda uga warbixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
“Waxaa jira go’aan loo dhan yahay, oo ah inaan sii joogsno halkan.” Ayuu yiri Tenenti oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka AFP.
Kororka isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ee ka socda dhulka xuduudda ayaa ka dambeysay, ka dib markii Taliska Militariga Israel uu Isniintii ku dhawaaqay in la ballaariyay hawlgalka dhinaca dhulka ee lagu la dagaalamayo Xoogaga Xisbullah ee degan deegaanada dhaca xuduudda Lubnaan.
Go’aanku wuxuu daba socday, ka gadaal markii Israel ay 1-dii bishan iclaamisay in ciidamadeeda ay hawlgal xadidan ka sameynayaan gudaha xuduudda Lubnaan.
Dagaalka safka ballaaran ee ka soconaya deegaaada xuduudda ayaa caqabad amni ku noqday Ciidamada & Shaqaalaha Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa Ciidamada Israel uga digay inay weeraraan Ciidanka Nabad Ilaalinta ee halkaasi degan.
Ciidanka Hawlgalka UNIFIL ayaa leh xaqa ay isku difaaci karaan, haddii la soo weeraro, inkastoo illaa iyo hadda aysan wax falcelin ka bixin weeraradii ay Ciidamada Israel ku soo qaadeen.
Israel ayaa isku dayeysa in ciidamadeeda ay ku uruuriso xuduudda Lubnaan, iyadoo markaasi Xisbullah laga fogeynayo.
Israel ayaa Ciidanka Qaramada Midoobey ku cadaadineysa in ay farriisimahooda soo wareejiyaan, si ay uga hujuumaan Xisbullah.
Haddii ay taasi dhacdo, Xisbullah waxay u arki doontaa kuwo aan dhexdhexaad ahayn, ayna ku weerari karto goobaha kale ee ay deggaan.
Si Xoogaga UNIFIL aysan uga leexin waajibaadkii uu u igmaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayay ku adkeysanayaan inay sii joogaan barraha la ogyahay ee ay hadda degan yihiin.