Home Wararka Caalamka QM oo ka hortimid baaq ay Israel u soo jeedisay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Lubnaan

QM oo ka hortimid baaq ay Israel u soo jeedisay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Lubnaan

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa ka hortimid farriinta Israel ee ku aaddan in Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ku sugan dalka Lubnaan ay ka yara fogaadaan deegaanada xuduudda ee labada dal.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Howlaha Nabadda, Jean-Pierre Lacroix ayaa sheegay in Ciidamada Qaramada Midoobey ay sii joogi doonaan halka ay kaga sugan yihiin xuduudda.

Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa degan aagga xuduudda ee Lubnaan iyo Israel, gaar ahaan halka lagu magacaabo khadka buluugga, oo ah barta kala qaybisa labada dal.

Militariga Israel ayaa Ciidamada Qaramada Midoobey ka dalbaday inay 5km ka guuraan khadka buluugga, isla-markaana ay gudaha u galaan koonfurta Lubnaan.

Hase yeeshee Jean-Pierre Lacroix ayaa sheegay in Ciidamada Qarmada Midoobey ay ku sii sugnaan doonaan booskooda.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada aysan ka tagi doonin goobta ay degan yihiin, joogitaankoodana ay muhiim u tahay xadeynta xuduudda ee labada dal.

“Dhinacyadu waxaa ku waajib ah inay ixtiraamaan badbaadada iyo ammaanka ee Ciidanka Nabad ilaalinta, waxaana rabaa inaan ku adkaysto taas.” Ayuu yiri Jean-Pierre Lacroix.

Ciidanka Nabad Ilaalinta oo ku shaqeeya amarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka kooban 10,000 oo askari iyo 800 oo shaqaale rayid ah oo ka kala socda 50 dal.

Toddobaadkii hore ayaa waxaa soo baxday in Ciidanka UNIFIL ay halis ugu jiraan inay ku dhintaan amaba ay ku dhaawacmaan duqaymaha Israel, oo ah kuwo aan loo meel dayeynin, markaas oo Israel ay bilowday inay si daran u garaacdo kaabeyaasha militari ee Ururka Xisbullah.

Warka Militariga Israel ayaa u muuqday mid jawaab u ah baaq ka soo yeeray Taliyaha Hawlgalka UNIFIL, General Aroldo Lázaro oo ahaa in la dejiyo xiisadda xuduudda.

General Aroldo Lázaro ayaa sheegay in uu la xiriiray labada dhinac, isla-markaana uu kala hadlay baahida degdegga ah ee loo qabo in dhinacyadu ay is xakameeyaan.

Jananka ayaa war uu soo saaray ku sheegay “Xaaladdan khatarta ah oo sii korodha waxay yeelan kartaa cawaaqib xumo.”

Jananka ayaa sidoo kale ka digay “Weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah waxay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah, waxay sidoo kale noqon karaan dembiyo dagaal.”

Tan iyo markii Israel ay bilowday inay si qoto dheer u garaacdo dalka Lubnaan ayaa waxaa kordhay gantaalaha isaga gudbaya xuduudda labada dal, waana tan keentay in Hawlgalka UNIFIL uu ka digo cawaaqib xumo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc