Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa mar kale walaac ka muujiyay dagaalka lagu hoobtay ee toddobaadkii hore laba beelood oo walaalo ah ku dhex maray Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha oo Axaddii dadka reer Dhuusamareeb kala qaybgalay munaasabadda Ciidda Carafo ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkan, oo ay ku dhinteen 55 qof, 155 kalena ay ku dhaawacmeen.
“Waxaa nagu ceeb ah ama runtii nasiib darro ah in aan aragnay maalmihii la soo dhaafay deegaano ka mida Galmudug dad badan inay ugu dhinteen dagaalo qabiil, taasna runtii waa wax aanan la fileynin.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Laandheer.
Madaxweynaha ayaa yiri “Dhacdooyin yaryar iyo waxyaabo iska joogta ahoo Somaliya oo dhan meelo ay iska haystaan waa jiraan, laakiin waxay ahayd tii maalmihii ugu dambeeyay dhacday runtii wax aad u xanuun badan.”
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa culima’udiinka, odayaasha, waxgaradka iyo dadka kale ee samaha jecel ugu baaqay in ay maamulka ka gacan siiyaan xiisadda taagan.
“Arrimahaasi yaynaan nagu soo noqonin, waana nasiib darro.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor, iyadoona Madaxtooyada Galmudug ay gadaal ka riixeyso in la dhameeyo colaadda beelaha.
Madaxweyne Qoorqoor oo 11-kii bishan gaaray waqooyiga gobolkaasi ayaa la kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka labada beelood, waxaana uu ku booriyay in ay isla qaataan nabad waarta, lagana fogaado isku dhacyada u dhaxeeya ee ku soo noqnoqday gobolka.
Qoorqoor ayaa xilligaasi ku baaqay gogol nabadeed oo xal loogu raadinayo colaadda dib uga soo dhex cusboonaatay beelahaasi, isagoona gogoshaasi dhigay Magaalada Dhuusamareeb, si cid kasta oo wixii tabasho ah ee qabto halkaasi looga dhageysto.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa salka ku haya dhul deegaameyntiisa la kala xigsanayo.
Dagaalka ayaa ahaa mid daba socdo mid kale oo bishii hore dhex maray beelahaasi, inkastoo dagaalkan ugu dambeeyay uu gobolka ka abuuray xaalad amni, iyadoona ay dadku baqdin ka muujiyeen suurtagalnimada in mar kale ay dhacaan dagaalo galaafan kara nafo badan.
Gobolada Dhexe ayaa waxaa aad ugu soo badanaya isku dhacyada u dhaxeeya dadka reer miyiga ee la xiriira lahaanshiyaha dhuleed, daaqa, waraabka iyo dilalka aanooyinka beelaha.
Isku dhacyadu waxay ku soo badanayaan bartamaha dalka, iyadoo Dowladda Federaalka ay isku dayeyso, sidii ay maleeshiyada Al Shabaab uga sifeyn lahayd deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.