Qoyskan oo sideed xubnood ka koobnaa ayaa la sheegaya in toddobo ka mid ah saakay lagu dilay duqayn ka dhacday Marinka Gaza.
Qoyskan ayaa ku dhintay gantaal ay diyaarad dagaal ku dhufatay hoygooda oo ku yiilay xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza. Qofka keliya ee qoyskan ee duqaynta ka badbaaday ayaa la sheegay in dhaawac halis ahi uu soo gaaray.
Dhibaneyaasha oo ay ku jiraan dumar iyo carruur ayaa ka mid noqday labaatan qof oo saakay lagu dilay Marinka Gaza.
Duqayn ka dhacday xerada qaxootiga Maghazi oo aan sidaasi uga fogeyn xerada Nuseirat ayaa lagu dilay saddex qof oo rayid ah.
Afar kale oo ay ku adkaatay in ay ka baxaan Khan Yunis ayaa lagu duqeeyay dhisme la deganaa, oo ay ku sugnaayeen.
Ciidamada Israel ee wax toogta ayaa laba qof oo kale ku dilay halka lagu magacaabo Bani Suheila ee bariga deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa ku warantay in saddex qof oo kale oo shacab ahaa lagu dilay galbeedka deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, gaar ahaan aagga Tel Al-Sultan.
WAFA ayaa sidoo kale warineysa in ay jiraan dad kale oo ku dhintay duqaymaha ka socda qaybaha Marinka Gaza oo dhan.
Dadka rayidka ayaa si toos ah loogu bartilmaameedsanaya guryaha la degan yahay iyo goobaha kale ee ay gabaadka ka dhiganayaan.
Dilka dadka rayidka ah ayaa Marinka Gaza ka noqday mid saacadle ah, iyadoona Israel ay ku dooneyso in ay ku gaarto ujeedooyinkeeda dagaalka.
Israel ayaa uga sii dareysa nolosha dadka rayidka ah, marka aad eegto in ay sii kordhineyso hawlgaladeeda xagga cirka.
Nolosha ayaa Gaza ka noqotay mid aad u adag, waana xilli rayidka la leynayo laga hortaagan yahay raashiinka, biyaha, shidaalka iyo dawada.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis caalami ah, si uu Ururka Xamaas ula gaaro heshiis xabad joojineed.
Ma badna rajada laga qabo in wada hadalada toddobaadkan bilaabanaya lagu soo afjaro colaadda Gaza.
Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaase rajeynaya in wareeggan cusub ee wada hadalada uu noqon karo jaantii lagu gaari lahaa jidka heshiiska xabad joojinta ee aadka loogu baahan yahay.