Home Wararka Maanta Rag u badan ajaaniib oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

Rag u badan ajaaniib oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

by Laacib

Ciidanka Puntlad ayaa gacanta ku soo dhigay sideed nin oo lix ka mid ah ay ajnabi tahay, kuwaas oo lala xiriiriyay maleeshiyada Daacish.

Raggan ayaa lagu soo qabqabtay hawlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Puntland ayaa lagu sheegay in xubnaha la qabtay ay la shaqeynayeen ninkii ajnabiga ahaa ee habeen hore lagu dilay magaaladaasi, xilli la sheegay in miino uu ku aasayay magaalada.

“Sideed xubnood oo lix ka mid ah ay ajaaniib tahay ayay ciidanku qabteen. Waa kooxdii la shaqeynaysay ninkii ajnabiga ahaa ee la dilay, isagoo qarax aasayay.” Ayaa lagu yiri warka taliska.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay soo xireen 100 qof oo kale, oo looga shakisan yahay kooxaha argagixisada, isla-markaana ay baaris ku socoto.

Taliska ayaa sheegay in dadkani lagu soo qabqabtay xog ay la soo wadaageen dadka deegaanka.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa Sabtidii shalay soo saaray awaamiir la xiriirta inaysan dadka reer Boosaaso la macaamili karin ajaaniibta, isla-markaana aysan guryahooda ka kireyn karin.

Korneyl Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada la shaqeeyaan, isagoona ku hanjabay in lala xisaabtami doono cid kasta oo guri ka kireysa qof ajnabi ah oo aan la aqoon amaba gaarigeeda ku qaadda.

Gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa tan iyo 31-kii bishii December ka socdo hawlgal ay ciidamadu kula dagaalamayaan maleeshiyada Daacish.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo ololaha militari ee lagu ciribtirayo faraca Daacish ee Somaliya.

Ciidanka Hilaac oo u tababaran la dagaalanka argagixisada ayaa hoggaaminaya hawlgalka gaarka ah ee lagu wiiqayo Daacishta Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc