Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo kooxdiisa faray in ay ku laabtaan wada hadalada xabad joojinta Gaza

Raysal Wasaaraha Israel oo kooxdiisa faray in ay ku laabtaan wada hadalada xabad joojinta Gaza

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa amray in kooxda ku meteleysa wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka.

War qoraal ah oo xalay ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel ayaa lagu sheegay in wafdiga la diri doono Khamiista, si loo socod siiyo hindisaha Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ee xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee saddexda weji ka kooban.

Warka ayaa lagu sheegay in wafdigu ay wada hadal ka geli doonaan heshiis lagu sii deynayo Israeliyiinta lagu haysto gudaha Marinka Gaza, inkastoo aysan si toos ah u hor fariisan doonin Saraakiisha Xamaas.

“Go’aankan ayaa yimid, ka dib markii Raysal Wasaaruhu uu si qoto dheer arrinta maxaabiista uga la hadlay kooxda wada-xaajoodka iyo saraakiisha sarsare ee ammaanka.” Ayaa lagu yiri warka.

Wararka ayaa sheegaya in Aqalka Cad uu dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar iyo Masar ka codsaday in dib loo bilaabo dadaalada wada hadalada iyo dhexdhexaadinta labada dhinac, si loo joojiyo dagaalka Marinka Gaza, dhinacyaduna ay wixii maxaabiis ah ee lagu heshiiyo ay isku weydaarsadaan.

Wada hadalada uu Mareykanku taageerayo ayaa istaagay 12-kii bishan, ka dib markii Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad, David Barnea iyo xubnihii kale ee Israel ku metelayay wada hadalada oo ka socday dalka Qatar ay dib ugu laabteen Tel Aviv.

Xubnahan ayaa la sheegay inay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha u sheegeen in ay wadatashi dib ugu la laabanayaan maamulkooda, waxaana xigtay tallaabooyinkii ay Israel ku ballaarisay hawlgaladeeda xagga cirka ee Marinka Gaza oo ka carreysiisay Ururka Xamaas, dhabahana u xaartay inay wiiqanto rajadii xabad joojinta.

Xamaas ayaa toddobaadkii hore ku celcelisay in Israel aysan daacad ka ahayn wada hadalada, bacdamaa ay xoojisay weeraradeeda ka dhanka ah dadka rayidka ah, taas oo boqolaal qof ay ku dhinteen, muddadii ay wada hadaladu hakadka ku jireen.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa bogaadiyay go’aanka Raysal Wasaaraha, ee ah in wada hadalada lagu laabto, ka dib ku dhawaad laba toddobaad oo ay hakad ku jireen.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jirto fursad lagu gaari karo heshiis ay Xamaas la haysteyaasha Israeliyiinta ku bedelaneyso qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel.

Raysal Wasaare Netanyahu oo Axaddii shalay lagu waday in uu u ambabaxo dalka Mareykanka ayaa uga baaqday arrinta wada hadalada iyo sii deynta maxaabiista Israeliyiinta & Falastiiniyiinta ee la kala haysto.

Netanyahu ayaa Isniinta maanta ah u ambabaxaya Washington, sida uu xaqiijiyay xafiiskiisa, Warbaahintana ay tebineyso.

Netanyahu ayaa lagu wadaa in Talaadada uu Aqalka Cad kula kulmo Madaxweyne Biden, iyaga oo ka wada hadli doona arrimo ay ka mid yihiin xiisadda Bariga Dhexe iyo taageerada Washington ee Tel Aviv.

Netanyahu ayaa sidoo kale maalinta xigta khudbad u jeedin doona Congress-ka Mareykanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc