Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo ku dhawaaqay in la dilay Hashem Safieddine

Raysal Wasaaraha Israel oo ku dhawaaqay in la dilay Hashem Safieddine

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa caawa ku dhawaaqay in la dilay ninkii la hadal hayay in uu bedeli doono Hoggaamiyihii Ururka Xisbullah ee la dilay.

Warbaahinta Israel ayaa goor hore ku warantay in Hashem Safieddine lagu dilay weerar ay diyaaradaha dagaalka Israel ay habeenkii Khamiista ka fuliyeen koonfurta Magaalada Beirut.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in Israel ay dishay Hashem Safieddine, kaas oo la saadaalinayay in uu bedeli doono sida uu yiri Hassan Nasrallah.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in ninkaasi lagu dilay duqayn ay ciidamadiisu ka fuliyeen Beirut, isaga oo intaasi ku daray in sidoo kale la dilay ninkii isaga bedeli lahaa, balse ma sheegin shakhsiyaddiisa iyo qofka uu yahay.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa tilmaamay in Xisbullah ay maanta mareyso meeshii ugu liidatay, ka dib sanado badan oo ay ka arrimineysay qaybo badan oo dalka Lubnaan ah.

“Maanta way ka daciifsan tahay, sidii ay ahayd sanado badan.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Israel oo shacabka Lubnaan ugu baaqay in ay kacaan, isla-markaana ay iska dulqaadaan Ururka Xisbullah, ka dib markii sida uu yiri ay Israel hoos u dhigtay awooddii Xisbullah iyo inay dishay Hassan Nasrallah, bedelkiisii iyo kii kale ee isna sii bedeli lahaa.

Farriintiisa ayuu inta badan diiradda ku saaray in dadka reer Lubnaan uu ku baraarujiyo inaysan ku sii hoos noolaan Xisbullah, dalkana ay gacantooda ku soo celiyaan.

“Hadda idinka oo dadka reer Lubnaan ah waxaad taagan tihiin isgoys weyn, go’aankana idinkaa iska leh.” Ayuu yiri Netanyahu oo intaa raaciyay “Hadda waxaad soo ceshan kartaan dalkiina, waxaadna ku celin kartaan waddada nabadda iyo barwaaqada.”

Haddii aysan sidaasi yeelin ayuu yiri “Xisbullah waxay sii wadi doontaa inay isku daydo inay Israel kula dagaalanto meelaha uu dadku ku badan yahay ee dhibaneyaashuna aad idinka tihiin.”

Wuxuu sheegay in reer Lubnaan ay mudan yihiin inay Lubnaan ku soo celiyaan maalmihii xasilloonida, isla-markaana ay Lubnaan u qalanto xaalad ka duwan midda hadda ka jirta dalkaasi.

“Waxay Lubnaan u qalantaa si ka duwan sidaan, oo ah hal dal, hal calan iyo hal dad.” Ayuu yiri Netanyahu oo intaasi ku daray “Ha u ogolaan argagixisadan inay mustaqbalkaaga burburiyaan, si ka badan sidii ay horeba u sameeyeen.”

Netanyahu oo sii hadlayay ayaa dadka reer Lubnaan ku booriyay in ay Xisbullah ka xoroobaan, si buu yiri uu dagaalkani u dhammaado.

“Dalkiina ka xoreeya Xisbullah, si waddankiinu mar kale uu u horumaro, si jiilalka mustaqbalka ee carruurta Lubnaan iyo Israel aysan ugu noolaan dagaal ama dhiig daata, laakiin ay ugu wada noolaadaan si nabad ah.” Ayuu yiri Netanyahu.

Xisbullah ayaan weli ka hadlin waxa uu ku dambeeyay masiirka Hashem Safieddine, haddiisa dilkiisa la xaqiijiyo waxay Xisbullah ku noqon doontaa dharbaaxo kale.

Safieddine oo ay ehel ahaayeen Hassan Nasrallah ayaa hadda madax ka ahaa Golaha Fulinta ee Xisbullah.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2017 ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee loogu doonista badan yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc