Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo ku hanjabay inay kululeen doonaan Xisbullah

Raysal Wasaaraha Israel oo ku hanjabay inay kululeen doonaan Xisbullah

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa mar kale farriin hanjabaad ah u diray Ururka Xisbullah, ka dib gantaaladii ugu badnaa oo ay ku garaaceen deegaanada waqooyiga Israel.

Xisbullah ayaa Axaddii gantaaladii ugu badnaa ku weerartay waqooyiga Israel, tan iyo intii ay xiisadda labada dhinac cirka isku shareertay, toddobaadkii hore. Xisbullah ayaad mooddaa in duqaymaheeda ay si qoto dheer ugu garaacday deegaanada ka fog-fog soohdinta labada dal.

Militariga Israel ayaa qiray in ay kordheen weerarada gantaalada ee xuduudaha ka gudbaya, ayna Xisbullah ku dhawaad laba boqol oo gantaal ku soo weerartay dhulka Israel.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in Xisbullah ay heli doonto farriin kale, haddii aysan waxba ku qaadanin farriintii toddobaadkii hore, oo uu uga la jeedo weeraradii la yaabka lahaa ee ay ka gaysteen dalka Lubnaan.

“Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaan ku garaacnay Xisbullah weeraro xiriir ah, oo aysan maleysan karin.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu oo warkan ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

“Haddii Xisbullah aysan heli farriintaas, waxaan kuu ballanqaadaya inaad heli doontaan farriinta.” Ayuu yiri Netanyahu oo warkiisa loo fasirtay in jug kale ay gaarsiin doonaan Xisbullah.

Netanyahu ayaa mar kale sheegay in Israel ay go’aansatay in dadkeeda barakaca uga maqan waqooyiga Israel dib loogu soo celiyo guryahooda.

“Waxaan go’aansanay inaan dadkayagii ka barakacay waqooyiga ku soo celino guryahooda. Ma jiro waddan u dulqaadan kara in gantaalo lagu soo tuuro dadkiisa amaba magaalooyinkiisa. Dowladda Israel iyaduna uma dulqaadan doonto.” Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa yiri “Israel waxay qaadi doontaa wax kasta oo lagama maarmaan u ah soo celinta amniga iyo in si nabad ah Israeliyiinta waqooyiga dib loogu soo celiyo guryahooda.”

Gantaalada Xisbullah ayaa shalay sida roobka oo kale ugu soo daatay waqooyiga Israel, iyagoona garaacay xeryo ciidan iyo weliba dhismayaal kale oo qaarkood la degan yahay. Duqaymahan ayaa burbur ba’an u gaystay dhismayaal ku yaala nawaaxiga Magaalada Haifa.

Taliska Militariga iyo Maamulka Israel midna ma sheegin cid wax ku noqotay duqaymaha baahsan ee Xisbullah.

Weerarkan ayaa walaac hor leh ku dhaliyay Israeliyiinta ku nool deegaanada waqooyiga ee ka durugsan xuduudda. Shacabka Israel ayaa garowsan in ay dhibane u noqonayaan weerarada Xisbullah ee jawaabta u ah weerarada Israel ee sida qotada dheer loogu fidinayo dalkaasi Lubnaan.

Xisbullah waxaa lagu tilmaamaa ururka ugu awoodda badan dhanka siyaasadda iyo militariga ee dalka Lubnaan, waana ururka lagu tilmaamo in uu ka hub iyo saamaynba badan yahay dalal badan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc