Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay tallaabo degdeg ah oo ka dhan ah Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan.
Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo 8-dii bishaasi duqaymo isku weydaarsanayay deegaanada dhaca xadka labada dhinac, iyadoona duqaymaha aad mooddo in toddobaadkii hore ay xoogeysteen.
Gantaalada ka soo dhacaya dhanka koonfurta Lubnaan ayaa sababay dab xoogan oo maalmo ka holcayay deegaanada ku yaala waqooyiga Israel. Dabka ayaa baabi’iyay dhul ballaaran oo kaymo ah, iyadoona 11 qof goobaha caafimaadka loo dhigay qiiq ay ku neef qabatoobeen.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa ku goodiyay in ay si adag uga jawaabi doonaan weerarada kaga imanaya dhanka Xoogaga Xisbullah.
“Qofkii u maleeya inuu wax na yeeli karo oo annaguna aan iska dhafin doono, qofkaasi waa uu khaldan yahay.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in ay u diyaargaroobeen hawlgal ballaaran oo laga sameeyo xuduudda ay la wadaagaan Lubnaan.
“Waxaan u diyaargarownay hawlgal xoogan oo dhanka waqooyi ah, kaas oo si uun u dhici doona, isla-markaana waxaan dib u soo celinaynaa ammaankii waqooyiga Israel.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.
Raysal Wasaare Netanyahu oo booqday aagga xadka ayaa dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Difaaca Israel ee ku sugan xuduudda.
Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin guluf ay ugu dhaqaaqaan dhinaca xuduudda.
Dhanka kale Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem ayaa wacad ku maray in ay jawaab adag ka bixin doonaan, haddii Israel ay isku daydo inay weerar ku soo qaaddo dalkooda.
“Illaa iyo hadda waxaan adeegsanay qayb yar oo ka mid ah awooddeenna. Tallaabo kasta oo Israel ay ku ballaarineyso colaadda waxay kala kulmi doontaa burbur iyo barakac.” Ayuu yiri Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah.
Kororka xiisadda ee ka jirta xuduudda ayaa waxaa ku barakacay tobanaan kun oo shacabka labada dhinac ah.
Xiisadda aadka u kordheysa ayaa dabka ku sii shiday baqdinta ay dad badani ka qabaan in isku dhac toos ah uu ka dhex qarxo Xisbullah iyo Israel.
Kor u kaca weerarada xuduudda ayaa ka tarjumaya, sida duulaanka Israel ee Gaza uu halis dhab ah ugu yahay deganaanshaha gobolka.
Xisbullah oo ah urur aad u hubeysan ayaa ah xulafada Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Ciidamada Israel ee duulaanka ku qaaday Marinka Gaza.
Naim Qassem, Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa ku hanjabay inaanay joojin doonin gantaalaha ay ku garaacayaan waqooyiga Israel, inta Ciidamada Israel ay sii wadaan weeraradooda Gaza.
Colaadda oo labada dhinac oo midkood uun uu ballaariyo ayaa Israel iyo Xisbullah ku riixeysa dagaal buuxa, mana ahan markii ugu horreysay oo ay dagaalamaan.
Xisbullah iyo Israel ayaa leh taariikh dagaal, waxayna weli dadku xusuusan yihiin dagaalkii 33-ka maalmood socday ee dhex maray bartamihii sanadkii 2006.