Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo qaabilay Ergayga Trump ee Bariga Dhexe

Raysal Wasaaraha Israel oo qaabilay Ergayga Trump ee Bariga Dhexe

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa gelinkii dambe ee Sabtidan qaabilay Ergayga Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu u soo magacaabay Gobolka Bariga Dhexe.

Steve Witkoff ayaa u sheegay Raysal Wasaaraha Israel, intii lagu guda jiray kulankoodan in Madaxweyne Donald Trump uu doonayo in la soo afjaro dagaalka Gaza iyo sii deynta maxaabiista, ka hor inta aanu xafiiska la wareegin 20-ka bishan.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Steve Witkoff uu carabka ku adkeeyay in Xamaas iyo Israel ay tahay inay dabacsanaan muujiyaan, si ay heshiis u gaaraan.

TV-ga Channel 12 ee Israel ayaa sheegay in Raysal Wasaare Netanyahu uu go’aansaday in Madaxa Hay’adda Sirdoonka ee Mossad, David Barnea uu ku biiro wada hadalada Magaalada Doha.

Xafiiska Netanyahu ayaa laga soo xigtay in David Barnea iyo General Nitzan Alon ay tagi doonaan Doha, si horumar looga sameeyo wada hadalada xabad joojinta Gaza.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa iyana ku warameysa in kulankan ka dhacay Jerusalem uu xoojinayo cadaadiska dhinacyada lagu saarayo, sidii ay u gaari lahaayeen heshiiska xabad joojinta.

Steve Witkoff oo dhowr cisho ka hor soo gaaray gobolka ayaa ka shaqeynaya in heshiiska lagu dhameystiro 9-ka cisho ee ka harsan goorta uu Trump la wareegayo xafiiska.

Witkoff ayaa Talaadadii sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray wada-xaajoodka, isagoona xusay in heshiiska la gaari karo, ka hor caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka ayaa horey dhinacyada uga dalbaday inay soo afjaraan colaadda Gaza, ka hor inta aanu xukunka la wareegin.

Trump oo xilka loo doortay 5-tii bishii November ayaa lagu wadaa in xafiiska uu la wareego 20-ka January.

Cadaadiskan ayaa wada hadalada muddada gaabiska ku socday u bedeli kara in la dardargeliyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc