Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Lubnaan oo sheegay in dalkiisa oo keliya aanu qiimaha bixin doonin

Raysal Wasaaraha Lubnaan oo sheegay in dalkiisa oo keliya aanu qiimaha bixin doonin

by Laacib

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa ku hanjabay in dalkiisu aanu gacmaha ka laaban doonin duulaanka ay Israel, sida qotada dheer ugu ballaarineyso dalkaasi.

Raysal Wasaaraha Lubnaan ayaa sheegay in Ciidamada Lubnaan ay u diyaargaroobayaan in ay xoojiyaan difaaca hore ee jiidda koonfureed ee dalka, waana xilli Xoogaga Xisbullah ay Ciidamada Israel kula dagaalamayaan deegaanada xuduudda.

Raysal Wasaare Mikati oo wareysi siiyay Sky News ayaa Ciidamada Qalabka Sida ku booriyay in ay ka hortaggaan colka soo hujuumay dalka.

Mikati ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay xabad joojin, balse waxa uu ka digay in khasaaraha uusan dadkiisu uun ku koobnaan doonin.

“Lubnaan keligeed uun ma bixin doonto qiimaha, haddii arrimuhu ay sidaan ku sii socdaan.” Ayuu yiri Mikati.

Warka Mikati ayaa ka dhigan in gacanta Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan ay gaari karto Militariga Israel iyo Israeliyiinta kaleba, si looga falceliyo weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel.

Dhanka kale tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay dalka Lubnaan ayaa la sheegaya in ay kor u dhaaftay 2,100 qof, halka ku dhawaad 10,000 oo kalena ay dhaawacmeen. Inta badan dadkan ayaa ku dhintay duqaymaha ay Israel kordhisay 16-kii cisho ee la soo dhaafay.

Israel ayaa ciidan xoogan gaysay deegaanada xuduudda ee labada dal. Wararka ayaana sheegaya in cutubyo ka mid ah ay ciidamadeeda gudaha u galeen deegaanada xadka koonfureed ee Lubnaan.

Militariga Israel ayaa ku goodiyay inay kordhinayaan weerarada iyo culeyska ay ku hayaan Ururka Xisbullah, si loo burburiyo kaabeyaashooda militari, loona wiiqo awoodooda.

Inkastoo Israel ay iska diiday in colaadda labada dal lagu xaliyo wada-xaajood diblomaasiyadeed, haddana ma jirto cid sheegi karta muddada uu qaadan karo dagaalkan ay kula jirto Ururka Xisbullah.

Dagaalkan ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid furan oo iska socda, illaa waqti aan la garaneyn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc