Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirka Madasha Iskuduwidda Horumarinta, kaas oo lagu soo bandhigayay guulaha ay xukuumaddu xaqiijisay, caqabadaha jira iyo talooyin ku saabsan, sidii la isku waafajin lahaa qorsheyaasha qaranka iyo barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda iyo saaxiibada caalamka.
Raysal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hay’adaha iyo deeqbixiyaasha in mashaariicda ay ka fulinayaan dalka ay noqdaan kuwo raasumaal leh oo wax u taraya dadka Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xariiqay in hadda wixii ka dambeeya wadajir loo xisaabtami doono.
Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in Somaliya ay ka hartay dunida soddonkii sano ee la soo dhaafay, haatanna ay lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana xawaare badan sidii hore, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.
Madasha waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, deeqbixiyeyaasha, Qaramada Midoobey, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.