Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Somaliya oo ka qaybgalay kulan ay yeesheen Ururada EAC & SADC

Raysal Wasaaraha Somaliya oo ka qaybgalay kulan ay yeesheen Ururada EAC & SADC

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xalay aaladda fogaan aragga kaga qaybgalay kulan madaxeed wadajir ah, oo ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amni darro ee ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Raysal Wasaare Xamse oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta bariga Congo ay masuuliyad ka saaran tahay dalalka gobolka in ay xal u helaan, isla-markaana si degdeg ah wax looga qabto.” Ayaa lagu yiri warka.

“Mudane Xamse waxa uu sheegay in Somaliya ay aaminsan tahay in nabad waarta oo laga gaaro DRC lagu heli karo qorshe dhameystiran, oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada is haya, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, si xal kama dambeys ah oo amni loogu helo dagaalka.” Ayuu warka intaa ku daray.

Kulanka wadajirka ah ay yeesheen Ururada EAC iyo SADC oo warmurtiyeed laga soo saaray ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood, oo ah Madaxweyneyaal hore oo ka shaqayn doona xal u helidda colaadda dalkaasi.

Xubnaha guddiga ee la magacaabay ayaa kala ah:-

1. Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo
2. Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta
3. Madaxweynihii hore ee South Africa, Kgalema Motlanthe
4. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Catherine Samba Panza
5. Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Sahle-Work Zewde.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc