Wafdiga Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ee maalintii labaad ku sugan deegaanada Jubbaland, oo uu wehliyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la kulmay Ciidankii Xoogga Dalka ee dhawaan gadooday.
Ciidamadan oo ka qayb qaatay hawlgaladii toddobaadyo ka hor lagu qabtay deegaanada Harboole iyo Miido ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maalmo ka hor soo banneeyay fariisimahoodii, ka dib markii ay Madaxweynaha Jubbaland ku eedeeyeen in uu ka qaaday gaadiidkoodii dagaalka, dhaawacyadooduna aanay daryeel wanaagsan ka heleynin maamulkiisa.
Ciidamadan oo markii dambe hub ka dhigis lagu sameeyay ayaa lagu xareeyay xero ciidan oo ku taala duleedka Magaalada Kismaayo.
Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa qaar ka mid ah ciidamadaasi kula kulmay Xarunta Taliska Ciidanka Danab ee ka hawlgala deegaanada Jubbaland ay ku leeyihiin aagga Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo. Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa sidoo kale halkaasi kula kulmay cutubyo ka tirsan Xoogaga Kumaandooska Danab.
Qorshaha safarka Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ee Jubbaland ayaa waxaa qayb ka ah xalinta cabashada ciidamada, si ay dib ugu laabtaan aagaggii ay soo banneeyeen, loona sii wado la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Raysal Wasaare Barre uu ciidamadu u sheegay in la joogo waqtigii la dardargelin lahaa dagaalka dib-u-xoreynta dalka.
Barre ayaa muddada uu joogo Jubbaland waxaa suurtagal ah in uu la kulmo qaybaha kale ee ciidamada.
Ciidamadan ayaa horaantii bishii June la geeyay Magaalada Kismaayo, si ay uga qayb qaataan hawlgalada lagu la dagaalamayo Shabaabka Jubbaland.
Jubbaland waxay ka mid tahay deegaanada ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, waxayna ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn ee Gobolada Koonfureed.
Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ah xarunta dhexe ee Shabaabka ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan.
Gobolka Jubbada Dhexe ee Jubbaland waa gobolka keliya ee ay maanta sida buuxda Shabaabku uga arrimiyaan.
Inkastoo Jubbaland lagu tiriyo Dowlad Goboleedyada ugu ciidamada badan, haddana tan iyo aasaaskeedii ayaynaan cagta dhigin Magaalada Bu’aale, oo ku magacaaban xarunta maamulkaasi. Jubbaland waxay muddadii ay jirtay si ku-meel-gaar ah ugu shaqeyneysay Magaalada Kismaayo.