Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa galabta magacaabay xubno ka mid noqonaya Golihiisa Wasiirada.
Raysal Wasaaraha ayaa General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), oo horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd) ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud & Guriyeynta.
Sidoo kale Cumar Cali Cabdi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.
Raysal Wasaare Barre ayaa Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) u magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha.
Raysal Wasaare Barre ayaa dhowr jeer isku shaandheyn ku sameeyay Xubnaha Golihiisa Wasiirada qaarkood, muddada labada sano ee xafiiska uu joogo.