Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa sameeyay magacaabis iyo isku shaandheyn uu ku sameeyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada.
Raysal Wasaaraha ayaa Daahir Shire Maxamed u magacaabay in uu noqdo Wasiirka Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka.
Raysal Wasaaraha ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu sidoo kale uu Cismaan Axmed Macow ugu magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta & Biyaha.
Raysal Wasaaraha ayaa isku bedelay Wasiiradii Wasaaradaha Qoyska & Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka & Isbeddelka Cimilada.
Khadiija Maxamed Al Maqsuumi ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska & Xaquuqul Insaanka, halka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada.
General Bashiir Goobe ayaa Wasiirka Qoyska & Xaquuqul Insaanka loo magacaabay 27-kii bishii July, iyadoona uu mucaaradad xoog leh kala kulmay haweenka Soomaaliyeed.
Haweenka ayaa wasaaraddan u arkayay mid aanay ku habbooneyn in raggu ay qabtaan, sababtaasi ayaana loo maleynaya in is bedelka haatan uu ku yimid.