Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo u ambabaxay Magaalada Baghdad

Raysal Wasaare Barre oo u ambabaxay Magaalada Baghdad

by Laacib

Rayal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Baghdad ee dalkaasi Ciraaq.

Raysal Wasaaraha Somaliya ayaa martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mohammed Shia’ Al Sudani, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Barre.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Raysal Wasaaruhu uu Caasimadda Baghdad kulamo kula qaadan doono Raysal Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi.

Dhinacyada ayaa ka wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo danaha ay wadaagaan labada dal.

“Raysal Wasaaraha ayaa inta uu joogo Magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonnaa Raysal Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Somaliya & Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliya iyo Ciraaq ayaa wadaagga duruufo amni, marka ay noqoto in dagaal ay kula jiraan kooxaha argagixisada, inkastoo aysan illaa iyo hadda wax iskaashi ah ka lahayn la dagaalankooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc