Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Baanka Adduunka u qaabilsan Somalya, Kenya, Uganda iyo Rwanda, Qimiao Fan oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha & taageerada Bankiga Adduunka ee ku aaddan dhinacyada dowlad-dhiska, maamul wanaagga iyo sii wadista mashaariicda horumarineed, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa isna qoraal ku sheegay in sidoo kale kulanka looga hadlay kordhinta kaalmada Bankiga Adduunka, si loo taageero kobaca dhaqaale ee joogtada ah ee Somaliya.
“Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Bankiga Adduunka uga mahadceliyay kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo taageerada kala duwan ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda gargaarka.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.