Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Kuxigeenka oo u kuurgelaya dadka ay daadadku waxyeeleeyeen (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Kuxigeenka oo u kuurgelaya dadka ay daadadku waxyeeleeyeen (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wafdiga Raysal Wasaare Kuxigeenka ayaa u kuurgelaya xaaladda dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah, ee ay sababtay duufaanta El-nino.

Raysal Wasaare Kuxigeenka oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA, xubno ka mid ah hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa booqday xeryaha barakacayaasha iyo dadka nugul, oo ay waxyeelo iyo barakac kale ka soo gaartay roobabka.

Saalax Axmed Jaamac, Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka ayaa la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka, isagoona kala hadlay, sidii loo mideyn lahaa dhammaan dadaalada socda, si gurmadka loo gaarsiiyo dadka ay biyuhu saameeyeen, isla-markaana looga hortago cudurada ka dhasha biyaha.

Raysal Wasaare Kuxigeenka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurbajoogta inay u soo gurmadaan dadka dhibaateysan.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhinteen daadadka ka dhashay roobabka ka da’aya deegaanada Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc