In ka badan 800 oo ka mid ah waalidiinta dhashay Ciidanka Difaaca Israel ee ka dagaalamaya Marinka Gaza ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ugu yeeray in uu joojiyo dagaalka lagu hoobtay ee Gaza.
Waalidiintan ayaa Raysal Wasaaraha ku eedeeyay in uu si ula kac ah u fidinayo dagaalka, iyadoo la gaari karo heshiis lagu soo afjarayo colaadda.
Waalidiintan oo soo saaray warqad ay ku saxiixan yihiin ayaa lagu sheegay in Raysal Wasaaruhu uu wado masuuliyad darro aan loo baahneyn.
Warqadda oo si toos ah loola wadaagay Xafiiska Raysal Wasaaraha, isla-markaana ay soo dusisay Warbaahinta gudaha ayaa waxay waalidiintu ay Hoggaamiyaha Israel ku eedeeyeen in uu riixayo dagaal ka tarjumaya dano siyaasadeed, balse aan ku jirin danta qaranka.
Waxay sheegeen inaysan dooneyn in Gaza ay noqoto xabaalaha ubadkooda, ayna ka dalbanayaan Raysal Wasaaraha in uu aqbalo heshiiska xabad joojinta.
“Wiilashayada iyo gabdhahayagu waxay lumiyeen saaxiibo badan, waxayna sii wadaan inay dhintaan, oo ay dhaawacmaan maskax ahaan iyo jir ahaanba.” Ayaa lagu yiri warqadda.
“Waxaan dhiirigelinay yoolashii dagaalka, oo ay ugu horreyso dib u soo celinta la haysteyaasha, laakiin in ka badan hal sano oo dagaal ah waxaan aragnaa in laga leexday ujeedooyinkii dagaalka.” Ayay waalidiintu ku sheegeen farriinta ay u gudbiyeen Netanyahu.
“Waxaan kugu eedeynaynaa inaad ka tagtay la haysteyaasha iyo askarta.” Ayay waalidiintu u qoreen Netanyahu.
Waalidiinta askarta ayaa sheegay in maxaabiista lagu soo celin karo oo keliya heshiis ay xukuumaddiisu la gasho Ururka Xamaas ee Falastiin.
“Waxaan ka digaynaa ujeeddo la’aanta lagu kordhinayo dagaalka, mana jirto sabab ay ciidamadu ku sii joogaan Gaza.” Ayay waalidiintu ku muujiyeen warqaddan.
Waalidiintan ayaa ku ku hanjabay, haddii aan soo jeedintooda la tixgelin inay bilaabi doonaan halgan dhan walba ah, si carruurtooda looga soo saaro Gaza.
Waalidiinta ayaan taageerin qorshaha ay Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo ku doonayaan in lagu sii wado dagaalka, illaa laga adkaanayo Xamaas.
Khubarada militariga ee Israeliyiinta ayaa ku baaqay in ciidamada laga soo saaro Gaza, si looga samatabixiyo waxa ay ku sheegeen dagaalka dhiig baxa, isla-markaana ay u helaan waqtiga nasiinada ay u baahan yihiin.
Fallanqeeyeyaasha militariga ayaa Warbaahinta maxaliga ka sheegaya in askartoodu ay wajahayaan khatar aan qarsooneyn oo ka jirta goobta dagaalka.
Waalidiinta iyo lamaaneyaasaha askarta ayaan ku qanacsaneyn sii socoshada dagaalkan daba dheeraaday, iyadoo ay yihiin kuwo saacad kasta ay dhegta u taagan tahay, aadna uga walaacsan masiirka askartaasi.
Inta badan askarta la geeyo Gaza ayaa la sheegaa in yar oo ka mid ah mooyee in inta kale meydadkooda iyo dhaawacyadooda lagu soo celiyo Israel.
Askarta ka badbaadda dagaalkan ayaa waxaa naadir ah in ay aqbalaan inay dib ugu laabtaan Gaza. Maxkamadda Ciidamada Israel ayaa marar kala duwan la soo taagay askarta uu Xafiiska Xeer Ilaalintu ku soo eedeeyay amar diiddo.
Qoysaska iyo ehelada askarta ayaa muddooyinkii u dambeysay ka soo muuqanayay bannaanbaxyada ay soo qaban-qaabiyaan qoysaska maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo gudaha Gaza ee xukuumadda looga dalbanayo inay Xamaas la gasho heshiis xabad joojineed, si loo soo sii daayo xubnaha ka maqan.