Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaa si carro leh uga hadlay weerarka gantaalka ballaastikada loo adeegsaday ee ay Ukraine Axaddii ka gaysatay Magaalada Sevastopol ee Gobolka Crimea.
Gantaalkan oo Mareykanku uu siiyay Ukraine ayaa waxaa ku dhintay afar qof iyo dhaawaca 151 kale. Laba ka mid ah dadka ku dhintay weerarka ayaa ahaa kuwo da’yar ah.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in gantaalka weerarka loo adeegsaday uu ahaa gantaalaha ATACMS ee Mareykanka uu siiyay Ukraine.
Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov oo weerarkaasi ku tilmaamay mid waxashnimo ah ayaa Mareykanka ku eedeeyay in ay dileen carruur Russian ah.
Afhayeenka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Moscow ayaa sheegay in Ruushku uu ka falcelin doono ku lug lahaanshaha Mareykanka ee weerarkaasi.
“Ku lug lahaanshaha tooska ah ee Mareykanka ayaa horseeday geerida shacab Russian ah. Tani ma noqon doonto cawaaqib la’aan.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa Wariyeyaasha hordhigay in ay reer Yurub iyo Mareykankaba weydiiyaan, sababta ay u dilayaan buu yiri carruurta Ruushka.
Dmitry Peskov ayaa xoojiyay warkii horaantii bishan ka soo yeeray Madaxweyne Vladimir Putin ee uu ku sheegayay in Moscow ay iyana hub casri ah siin karto cadowga reer galbeedka ee dibadda, si loo bartilmaameedsado danahooda.
Peskov ayaa ku goodiyay in reer galbeedku ay ka shalaayi doonaan hubka ridada dheer ee ay ku soo daldalayaan Ukraine, si ay isaga caabiyaan Ciidamada Ruushka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarkan aanu noqon doonin mid bilaa jawaab ah.
“Falalka caynkaas ah ee Washington, kama tagi doono jawaab la’aan. Xaqiiqdii waxaa jiri doona tallaabooyin looga falcelinayo.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaankeeda, ka dib kulan ay masuuliyiinta wasaaradda Isniintan la qaataan Safiirka Mareykanka, Lynne Tracy.
Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxday Mareykanka, oo sanadkan bilaabay in uu Ukraine u daabulo gantaalaha casriga ah ATACMS.
Gantaalahan ballaastikada ah ayaa qayb ka ahaa kaalmo militari oo gaareysa saddex boqol oo milyan oo dollar ($300M), oo Madaxweyne Joe Biden uu bishii March saxiixay in la siiyo Dowladda Ukraine.
Gantaalaha ATACMS ayaa gaari kara masaafo dhan 300km, waxayna xitaa garaaci karaan bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka.
Mareykanka ayaa dhawaan ogolaaday in Ukraine ay gantaalihiisa ridada dheer ku garaaci karto bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka.
Tani ayaa sii xumeynaysa colaadda, waxayna keeni kartaa in dagaalka uu ka gudbo xuduudaha Ukraine, isla-markaana ay soo dedejiso isku dhac u dhaxeeya Ruushka iyo NATO.
Reer galbeedka ayaa horey u diidanaa in hubkooda ay Ukraine ku weerarto gudaha Ruushka, si looga fogaado isku dhac labada dhinac ah.
Is bedelkan siyaasadeed ayaa imanaya, iyadoo Ciidamada Ukraine ay bishii May lumiyeen dhul ballaaran oo ku yaala gobolka waqooyi bari ee dalkaasi, ka dib dagaalo lagu riiqmay, ayna la wareegeen Militariga Ruushka.
Dad badan ayaa aaminsan in Ruushku uu mar hore soo afjari lahaa dagaalkan, haddii aysan reer galbeedka si dadban ugu lug lahaan lahayn dagaalka.
Inkastoo Ruushku uu taxadar badan muujinayo, haddana khubarada ayaa sheegaya in Ruushka uu xilligan garaaci karo meelo ka baxsan xuduudaha Ukraine, tanina ay noqon karto bilowga dagaalkii 3aad ee adduunka.