Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un ayaa maanta Magaalada Pyongyang ku kala saxiixday heshiis cusub oo iskaashi oo labada dal ah.
Munaasabad si weyn loo soo agaasimay ayay labada hoggaamiye ku gaareen heshiiska cusub, oo qayb ka ah ballanqaad is difaacid, haddii midkood la soo weeraro.
Labada hoggaamiye ayaa ballanqaaday inay isu bahaysan doonaan, haddii labada dal ee deriska ah ay la kulmaan weerar dibadda ah.
Heshiiskan ayaa geba-gabo u ahaa shir madaxeed ka dhacay Caasimadda Pyongyang, ka dib markii Madaxweyne Putin uu xalay ku tegay dalkaasi booqashadiisii ugu horreysay ee muddo rubac qarni ah.
Kim Jong Un, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in si shuruud la’aan ah uu u taageersan yahay hawlgalka militari ee Ruushka uu ka wado dalka Ukraine.
Waxa kaloo uu sheegay in heshiiska ay la gaareen Ruushka uu ahaa mid nabadeed, oo kor loogu qaaday sida uu sheegay xiriirka isbahaysi ee labada dal.
Madaxweyne Putin ayaa dhankiisa sheegay in Kuuriyada Waqooyi uu uga mahadcelinayo taageerada hagar la’aaneed ay dalkiisa la garab taagan yihiin.
Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa muuqatay inay si weyn ugu diyaargarowday booqashada Madaxweynaha Ruushka, taas oo aad ka arki karto sida diiran ee dalkaasi loogu soo dhaweeyay.
Labada hoggaamiye ayaa socod ku soo maray fagaare lagu soo dhaweynayay Madaxweyne Putin, waxayna dadkii halkaasi ku sugnaa ku soo dhaweynayeen ubaxyo gaduudan, buufino, calamada labada dal iyo qaarkood oo sitay sawirrada Putin.
Putin iyo Kim ayaa la arkayay, iyagoo daawanaya cutubyo ka tirsan Ciidamada Kuuriyada Waqooyi oo halkaasi dhoolatus ku sameynaya.
Labada dal oo ka mideysan cunaqabateynada adag ee ay kala kulmayaan reer galbeedka ayaa hadda iska kaashanaya, sidii ay uga gudbi lahaayeen xanibaadaha ay wajahayaan.
Booqashadan ayaa ahayd mid ay si dhow isha ugu hayeen Mareykanka iyo xulafadiisa.