Home Dhacdooyin Ruushka iyo Mareykanka oo dood adag ay ku dhex martay Golaha Ammaanka

Ruushka iyo Mareykanka oo dood adag ay ku dhex martay Golaha Ammaanka

by Laacib

Labadan dal ayaa xalay hadalo adag isku dhaafsaday kulan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeeshay xiisadda ka soo korortay dalka Suuriya.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu sii hurinayo dagaalada sokeeye ee Suuriya, oo dib u soo laba kacleeyay daba-yaaqadii bishii November, ka gadaal markii kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay toddobaadkii hore qaadeen weeraro lala yaabay, dhul ballaarana ay ku qabsadeen.

Kulanka ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Suuriya, Geir Otto Pedersen oo sheegay in xaalad adag ay ka soo korortay dalkaasi, waxaana uu ka digay in xaaladda Suuriya looga sii darro.

Wakiilka ayaa sheegay in aysan jirin wax xal militari ah oo illaa iyo hadda laga gaaray dagaalka dalkaasi, isagoona codsaday in la dejiyo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobey, Vassily Nebenzia ayaa Mareykanka iyo xulafadiisa ku eedeeyay in ay gacan siinayaan, waxa uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ee Suuriya.

Safiirka ayaa tilmaamay in Mareykanka iyo kuwa ku daaban ay ka masuul yihiin qulqulatooyinka ka jira dalkaasi, maadaama ay hubeynayaan, isla-markaana ay tababarayaan sida uu yiri Hayat Tahrir Al-Sham, oo ah ururka hoggaaminaya Xoogaga Sunniyiinta ee dagaalka kula jira Dowladda Shiicada ee uu hoggaamiyo Bashar Al Assad.

Waxa kaloo uu sheegay in Ukraine ay ciidamo ka joogaan Suuriya, isla-markaana ay tababaro u fidiyaan kooxaha hubeysan ee dagaalka wada, sida uu yiri.

Danjire Nebenzia ayaa wax ceeb ah ku tilmaamay in dalalka reer galbeedka oo Mareykanku ugu horreyo ay cambaareyn waayaan kooxaha argagixisada ee dhibaateynaya buu yiri dad si nabadgelyo ah ku nool.

Kuxigeenka Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Robert Wood ayaa dhankiisa ku eedeeyay Ruushka, Iran iyo Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan inay ka dambeeyaan dhibaatada Suuriya.

“Mareykanka ayaa si dhow ula socda xaaladda Suuriya. Sanado badan ayay Dowladda Suuriya ku jirtay dagaal sokeeye oo ay taageerayaan Iran, Ruushka iyo Xisbullah.” Ayuu yiri Kuxigeenka Safiirka Mareykanka oo saddexduba ku dhaliilay in ay ku lug leeyihiin dagaalo meelo kala duwan oo dunida ah ka dhacay.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Maamulka Madaxweyne Assad uu diiday in xal siyaasadeed lagu dhameeyo colaadda Suuriya, sababtu tahay ku tiirsanaanta Ruushka iyo Iran.

“Runtii diidmada joogtada ah ee Taliska Assad, ee ah in hannaan siyaasadeed lagu dhameeyo xiisadda, iyadoo la raacayo qaraarka 2254 ee Golaha Ammaanka iyo ku tiirsanaanta Ruushka iyo Iran ayaa abuuray xaaladda hadda soo korortay, oo ay ku jiraan burburka khadadka Taliska Assad ee waqooyi galbeed ee Suuriya.” Ayuu yiri Robert Wood.

Robert Wood Ayaa yiri “Weeraradii ugu dambeeyay ee fallaagada oo Mareykanku aanu wax lug ah ku lahayn ayaa waxaa hoggaamineysa kooxda Hayat Tahrir Al-Sham oo loo yaqaano (HTS), oo Mareykanka iyo Qaramada Midoobey ay u aqoonsan yihiin koox argagixiso. Sida cad waxaanu walaac ka qabnaa kooxdan.”

Wood ayaa intaasi ku daray “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay ka go’an tahay mabaadii’da xorriyadda, sharafta iyo badbaadada dhammaan Suuriyaanka. Waxaan ku rajo weynahay in Mucaaradka Suuriya ay door ka qaadan karaan xaqiijinta mabaadii’daas.”

Safiirada Iran iyo Suuriya oo iyana kulanka ka hadlay ayaa xulafada Mareykanka ku dhalleeceeyay in ay iyagu yihiin kuwa taageerada ku bixinaya rabshadaha ka dhacaya dalkaasi.

Intii uu kulanka socday ayaa laga akhriyay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen dalalka Carabta, oo adkeeyay baahida loo qabo in la itixraamo madaxbannaanida qaranimada iyo midda dhuleed ee Suuriya.

Hadi Hachem, Kuxigeenka Safiirka Lubnaan ee Qaramada Midoobey ayaa akhriyay bayaanka, isaga oo ka wakiil ah 22-ka dal ee Jaamacadda Carabta.

Kulankan degdegga ah oo ka dhacay Magaalada New York ayaa waxaa codsatay Suuriya, waxaana taageeray Ruushka, Shiinaha iyo Algeria.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc