Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada ahna Raysal Wasaaraha Sacuudiga, Mohamed bin Salman ayaa Arbacadii ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalada Gaza iyo Ukraine.
Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in labada nin oo ku wada hadlay khadka teleefanka ay iska wareysteen dadaalada nabadda ee Ukraine.
Moscow ayaa dhankeeda sheegtay in Madaxweyne Putin iyo Raysal Wasaaraha Sacuudiga ay ka wada hadleen xaaladda cakiran ee ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan colaadda Falastiiniyiinta iyo Israel.
Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa lagu sheegay in Moscow iyo Riyadh ay isku siyaasad ka yihiin habka dejinta ee xiisadda Bariga Dhexe.
“Waxay muujiyeen in hababka mabda’a ee Ruushka iyo Sacuudiga ee la xiriira dejinta Bariga Dhexe ay asal ahaan isku mid yihiin.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Labada dal ayaa horey u sheegay inay adkaan doonto in nabad lagu soo dabaalo gobolka, haddii aan la helin xalka laba dal oo deris ah, iyadoo markaasi Falastiiniyiinta loo sameynayo dowlad ay leeyihiin.
Wada hadalkoodan ayaa yimid laba cisho uun ka dib, markii Mohammed bin Salman uu si adag u cambaareeyay ololaha militari ee ay Israel ku xasuuqeyso dadka reer Gaza.
Ina Salman ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiso duulaanka Israel ee ka dhanka ah shacabka Gaza iyo Lubnaan.
Moscow ayaa dhowr jeer Mareykanka ku eedeysay in siyaasaddiisa halka dhinac ee gobolka ay ugu wacan tahay colaadda ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa Washington ku dhalleeceeyay in siyaasadeeda Bariga Dhexe ay gobolka ka abuurtay rabshado aan horey loo arag.
Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaa marar badan cambaareeyay xadgudubyada joogtada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Wasiir Lavrov ayaa dhawaan sheegay in hawlgalka Israel ee Gaza uu ka weecday hadafkeedii dagaalka ee ku saabsanaa la dagaalanka Ururka Xamaas, isla-markaana ay u bedeshay mid ku ciqaabeyso dadka rayidka ah.
Dagaalka Gaza oo bishii 14-aad socdo ayay Ciidamada Israel ku dileen 43,712 qof, halka 103,258 kalena ay dhaawaceen.