Home Wararka Caalamka Ruushka oo qabsaday Klishchiivka iyo Zelenskyy oo baaq u diray reer galbeedka

Ruushka oo qabsaday Klishchiivka iyo Zelenskyy oo baaq u diray reer galbeedka

by Laacib

Militariga Ruushka ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Klishchiivka, iyagoona sii wada guulaha muddooyinkii ugu dambeysay ay ka gaarayeen goobta dagaalka.

Klishchiivka ayaa dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Bakhmut ee Gobolka Donetsk, oo ka mid ah meelaha ay ka dhaceen dagaalada lagu riiqmay.

Ciidamada Ruushka ayaa sanadkii 2023 la wareegay Magaalada Bakhmut, iyadoona ay si xun ugu burburtay dagaalada.

Klishchiivka ayaa hadda ka mid ahayd goobaha fara ku tiriska ah ee ku haray gacanta Ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolkaasi.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa maanta sheegtay in ciidamadeeda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in militarigu ay khasaare xoog leh u gaysteen Ciidamada Ukraine ee ka dagaalamaya deegaanada kale ee gobolka, sida Heorhiivka iyo Hostre, isla-markaana ay u guurguuranayaan Magaalada Kostiantynivka.

Kostiantynivka ayaa ku dhow furimaha dagaalka, waxayna Ciidamada Ruushka u muuqdaan kuwo hujuumaya magaaladaasi.

Moscow ayaa dib boorka uga jaftay ololaheeda militari ee ay ku hayso dhanka bari ee dalka Ukraine, iyadoona wacad ku martay in ay dardargelin doonto hawlgalada ay ku wiiqeyso colka ka soo horjeeda.

Ukraine ayaa la dhibaatooneysa ciidan yari iyo saad la’aan, taas oo Ruushka fursad u siisay guulaha uu ka gaarayo jiidda hore ee dagaalka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa xaaladda Gobolka Donetsk ku tilmaamay mid aad u adag, waxaana uu dalalka reer galbeedka ka codsaday in ay la soo gaaraan rasaasta ay u baahan yihiin.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa ku celceliyay in Kyiv ay Ruushka ka hortaagan tahay in uu qabsado dalalka kale ee Yurub.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc