Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa sheegay in iyaga iyo Mareykanka ay isku afgarteen dhowr qodob, si loo sii amba-qaado wada hadalada nabadda ee Ukraine.
Wasiirka ayaa sheegay in labada dhinac ay shirkii Riyadh ku heshiiyeen dhowr mowduuc oo mabda’ ahaan aan laga tallaabi karin.
Wasiirka ayaa tilmaamay in lagu heshiiyay soo celinta shaqaalaha diblomaasiyadda, in la bilaabo hannaan wada hadal oo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine iyo in laga wada shaqeeyo qaban-qaabada kulan ay yeeshaan labada Madaxweyne.
“Waxa kale oo lagu heshiiyay in la bilaabo qaadista cunaqabateynta Mareykanka ee Ruushka.” Ayuu yiri Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka.
Wasiirka ayaa intaa raaciyay “Waxaan aaminsanahay in wada hadaladu ay ahaayeen kuwo faa’iido leh oo wax dhisaya.”
Dowladdii Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabateyno is daba joog ah saartay Ruushka, iyadoo laga jawaabayo duulaankiisii Ukraine.
Ruushka ayay ciidamadiisa 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ay ku duuleen dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, ka dib markii uu xoogeystay xiriirka iyo iskaashiga ay Ukraine la leedahay NATO, taas oo Moscow ay ku sheegtay mid khatar ku ah ammaankeeda.
Ruushka ayaa xulafada NATO ku eedeeyay inay ku soo fideen xuduudihiisa, taasna ay baalmarsan tahay wixii ay labada dhinac ku heshiiyeen, ee ahaa inaysan xuduudihiisa ka soo ag-dhawaan.
Wasiir Lavrov ayaa sheegay in Ruushku aanu aqbali doonin in ciidan nabad ilaalineed oo ka socdo dalalka NATO la keeno Ukraine, waxa uu intaasi ku daray inaysan xitaa ogolaan doonin in Ukraine ay ku biirto xulafada NATO.
Lavrov ayaa xusay in Ukraine oo ku biirta NATO ay khatar toos ah ku tahay ammaanka Ruushka.
Lavrov ayaa ku waramaya in ku biiritaanka Ukraine ee suurtagalka ah ee NATO ay tahay sababta ka dambeysay inuu Ruushka ku duulo dalkaasi.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa doonaya in la soo afjaro dagaalka Ukraine, iyadoo aysan Ukraine qayb ka ahayn wada hadalada.
Ukraine iyo xulafadeeda Yurub ayaa qaadacay qaabka uu Trump u wajahayo wada hadalka. Reer Yurub ayaa walaac xoogan ka muujiyay inaysan iyaga iyo Kyiv-ba wax boos ah ku lahayn wada-xaajoodkan.