Home Wararka Caalamka Ruushka oo sheegay inay duqayn ku dileen boqolaal ka mid ah fallaagada Suuriya

Ruushka oo sheegay inay duqayn ku dileen boqolaal ka mid ah fallaagada Suuriya

by Laacib

Ruushka ayaa sheegay in ay dileen 300 oo ka mid ah kooxaha fallaagada ee ka dagaalamaya dalka Suuriya.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa xalay sheegtay in iyadoo la taageerayo Militariga Suuriya ay diyaaradahooda dagaalka xagga cirka ka garaaceen kooxaha ka soo horjeeda dowladda dalkaasi.

“Ciidanka Cirka Ruushka ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay dilay 300 oo ka mid ah kooxaha argagixisada.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaraddu.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale weerarada xagga cirka lagu burburiyay xarumo ciidan iyo goobo ay hubka ku kaydsanayeen kooxaha fallaagada.

Moscow waxay sheegeysaa inay si buuxda u taageeri doonto Ciidamada Suuriya, si loo jebiyo kooxaha hubeysan.

Dhanka kale diyaaradaha dagaalka Suuriya ayaa xalay duqeeyay goobo ku yaala Magaalada Aleppo, halkaas oo laga maqlay qaraxyo waaweyn.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in goobaha la beegsaday ay ka mid tahay goob laga soo galo, lagana baxo oo ku taala duleedka magaalada, xilli halkaasi ay dad fara-badan isku dayayeen in ay magaalada uga baxaan.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, isla-markaana aysan sheegi karin inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay, maadaama goobo kala duwan oo magaaladaasi ah la garaacay.

Wararka ayaa sheegaya in duqayntii xalay ay ka xooganeyd middii Ruushka iyo Suuriya ee ay habeen hore ka gaysteen magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka rayidka ah lagu la taliyay in ay isaga baxaan magaalada, haddii ay gashay xaalad dagaal.

Militariga Suuriya ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay wadaan duqaymo ay ku curyaaminayaan xoogaga hubeysan ee la wareegay magaalada

Kooxahan ayaa Jimcihii xoog ku soo galay magaaladaasi, waxaana gelinkii dambe ee Sabtidii u suurtagashay inay la wareegaan. Kooxahan ayaa gacanta ku haya magaalada iyo garoonka diyaaradaha.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo Suuriya ayaa ku dul heehaabaya Magaalada Xalab (Aleppo), iyadoona ay u badan tahay inay duqaymaha sii wadi doonaan.

Dhanka kale Hay’adda Difaaca Madaniga ee Suuriya ayaa waxay dadka rayidka ah ugu baaqday inay soo sheegaan, haddii ay arkaan haraadiga waxyaabaha qarxa.

Kooxda samatabixinta ee Koofiyadaha Cad ayaa shacabka faray in ay si weyn u taxadaraan, marka ay marayaan meelaha ay dagaaladu ka dhaceen.

“Shacabka waxaa la farayaa inay si weyn u taxadaraan, isla-markaana ay ka fogaadaan walxaha qarxa ee aan qarxin. Sidoo kale waxaa la farayaa inay soo sheegaan, haddii meelaha ay gelayaan ay iska horimaadyada ka dhaceen ay ku arkaan walxaha qarxa iyo walxaha kale ee qariibka ah.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda Difaaca Madaniga.

Warka ayaa lagu yiri “Fadlan la soo socodsii Shaqaalaha Difaaca Madaniga, adigoon taaban ama dhaqaaqin, haddii aad ku istaagto walxahaasi.”

Weerarkan indhaha soo jiitay ayaa dareen ku dhaliyay Iran iyo Ruushka, kuwaa oo Sabtidii ka wada hadlay, sidii ay isugu dubaridi lahaayeen jawaabahooda. Tehran iyo Moscow ayaa ah xulafada ugu muhiimsan ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Bashar Al Assad.

Waa weerarkii ugu weynaa ee ka dhan ah Dowladda Suuriya ee muddo sanado ah ka dhaca dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc