Home Wararka Caalamka Ruushka oo u muuqdo mid ka qalab qaadanaya Suuriya

Ruushka oo u muuqdo mid ka qalab qaadanaya Suuriya

by Laacib

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa bilowday in hubkooda culus iyo ciidamadaba ay kala baxdo dalka Suuriya, ka dib markii toddobaadkii hore xukunka laga tuuray Madaxweyne Bashar Al Assad.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa CNN u sheegay in Ruushku uu u muuqdo mid ka qalab qaadanaya dalka Suuriya, balse ma cadda bay yiraahdeen in ay noqon doonto mid joogto ah.

Sirdoonka Mareykanka ayaa laga soo xigtay in Saraakiisha Ruushka ay isku dayeen inay xiriir la sameeyaan Ururka Hayat Tahrir al Sham (HTS), oo ah kan ugu weyn ee jabhadaha la wareegay dalkaasi, si ay ula gaaraan nooc heshiis oo ogolanaya in Ciidamada Ruushka ay sii joogaan Saldhigga Ciidanka Cirka ee Hmeimim (Khmeimim) iyo saldhigga kale ee ay ku leeyihiin Dekedda Tartus.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka, Dmitry Peskov ayaa toddobaadkii hore sheegay in Moscow ay xiriir la sameynayso kooxaha fallaagada, si loo ilaaliyo ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee dalkaasi kaga sugan.

Ma cadda waxa dhex maray Ruushka iyo kooxaha hubeysan ee qabsaday dalkaasi, balse kooxahaasi ayaa la fahamsan yahay in ay ka carreysan yihiin duqaymihii Ruushku uu isku dayayay in uu kaga hortago, si uu u difaaco dowladdii la afgembiyay.

Ruushka ayaa ku guuldareystay in kooxahaasi uu xakameeyo, marka aad eeg xawaarihii ay ku socdeen iyo sida dhakhsida leh ee ay ku qabsanayeen dhulkii ay dowladdu maamuleysay.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa warineysa in Ruushku uu hantida badda ee Suuriya uu u rarayo dalka Liibiya, isla-markaana ay Moscow kordhisay cadaadiska ay ku hayso sarkaalka awoodda badan reer Liibiya ee Khalifa Haftar, si uu Ruushka uu saldhig uga sameysto Dekedda Benghazi, ka dib Saldhigga Cirka ee Al-Khadim.

Diyaaradaha xamuulka ee xaaladaha degdegga ah ee Ruushka ayaa ugu yaraan toddobo jeer toddobaad gudihiis ah gaaray Saldhigga Al-Khadim, ka dib markii ay ka ambabaxeen Suuriya.

Diyaaradaha waaweyn ee Militariga Ruushka ayaa nidaamka difaaca hawada ee S-400 iyo gantaalada waaweyn ka daabulay Saldhigga Hmeimim ee Suuriya, iyagoona ka dejiyay Saldhigga Al-Khadim ee Liibiya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa Insiintii ka gaabsaday in Washington ay kooxaha fallaagada ku riixday in Ruushka laga ceyriyo Suuriya, balse waxa uu sheegay in Ruushku uu taariikh madow ku leeyahay dalkaasi.

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa si diiran u soo dhaweeyay ridistii Assad oo isbahaysi la ahaa Ruushka iyo Iran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc